Akhri :- ” Biyaha Berbera waa cad-yahow ku cunay ama ku ciideeyey ” Aqoonyahan Axmed Bile

0
436

Biyaha Berbera waa cad-yahow ku cunay ama ku ciideeyey,

Wakaaladda Biyaha Berbera waxay soo martay maraaxil tiro badan oo qofkii xaalkeeda ogaa marnaba ilaawi karin, marka loo eego wakhtigii lasoo dhaafay maanta ayey in badan dhaantaa sababtoo ah dhowrkan qodob ayaa inuu cadaynaya. dhinaca xisaabaadka awal hore ma jirin nidaam hab xisaabeed u dejisanaa wakaaladda oo la tix raaci karayey. Sidoo kale ma jirin hab maamul shaqaaleed tifaaf-tiran oo u dejisnaa wakaaladda Biyaha. Hadaba mudo kooban oo uu joogay maareeye Axmed Aadan, wuxuu meesha ka saaray is dhex yaacii iyo maamul xumadii ka jirtay meesha sidookale maareeyuhu wuxuu ahaa maareeyihii lagu wareejiyey wakaaladda iyadoo lagu leeyahay dayntii ugu badnad sidoo kale mashiinada qaar xaaladoodu dhul yaal ahayd oo inay fadhiistaan qarka u saarad. Beebka Biyaha ayaa iyaguna ahaa qaar mudo dheer shaqaynayey oo wax ka qabasho u baahnaa. Waxaas oo culays iyo murug ahaa mudo kooban wuu la dabaashay maareeye Axmed. Iminka oo aynu joogno Berbera waxa ka socda labbo mashruuc oo Biyo gelin Cusub ah kuwaas oo dhowaan dhamaan doona lana rajaynayo in wakaaladda Biyuhu noqota mid siisa Biyo nadiifa qof walba iyo qoys walba oo ku nool Degmadda Berbera, dhinaca kale wuxuu Maareeye Axmed noqday Maareeyihii ugu horeeyey ee mudo 15 sano ku dhow markii u horaysay u kordhiya mushaharka shaqalaha wakaaladda Biyaha,

Hadaba waxa nasiib daro waxaas oo hawl ah ee socoda Rag ka tirsan maamuladii wakaaladda soo maray iyo xubno madaxda gobolka Saaxil ahi rabaan inay fashiliyaan, shacabkana u gawracaan danno musuq maasuq oo iyaga u gaar ah, Raggani waxay rabaan oo u darban yihiin sidii wakaaladda biyaha u noqon lahayd mid ” private ” ah oo gacanta u gasha iyaga si ay berri ka maalin ugu tacadiyaan ugana xoolaystaan weliba malaayiin lacag ah ugu dhacaan oo dhiiga ummadda u jaqaan waana arin nasiib daro ah in kuwii ummadda naftooda u hurilahaa ee alle madaxda uga dhigay ay minjo xaabiyaan shacabkoodii! Ma jirto ceeb ka weyn in nin masuul ahi maalin walba Dad soo abaabulo intuu shilimaad lacag ah siiyo. Sidoo kale samaysto koox abaabulan oo ” Media oriented” ah kuwaas oo faafiya dacaayaddaha lagu ragaadinayo wixii aan isaga dani ugu jirin balse ummada dani ugu jirto,

Waxa jirta in dhowaan wakaaladda Biyuhu qadar qiimo ah ku kordhisay qiimaha biyaha taas waxa u sabab ah saddex qodob kuwaas oo kala ah shidaalka oo kacay qiimo xad dhaafa naafatadda iyo petrolkuba. Waxa kale oo qayb ka ah qiimo korodhka Sicir Bararka guud ee ka jira dalka oo ah mid xadkii lala tacaali karayey ka baxay. Qodobka u dambeeya ee qiimo korodhka u weyn keenay waa dhoofkii xoolaha oo joogsaday sababtoo ah Xoolaha dhoofaya waxa wakaaladda kasoo geli jiray Dakhliga ay wax ku kala maarayn jirtay kaas oo hadda markii xoolaha dhoofkoodii joogsaday keenay culays xoogan, saddexdaa culays waxay ila tahay in lagu maarayn karo labaddan qodob in wakaaladda loo sameeyo lacag kab ah si ay isu bixiso. ileen shidaal la’aan ma shaqayn kartee iyo in si joogto ah u bixiyaan haayaddaha Dawladda ee Gobolku kharashaadka isticmaalka biyaha ugu badan oo ay isticmaalaan,

Maareeyaha wakaaladda wax la gudboon inuu fiiro dheer yeesho si hawlaha biyo gelintu u fashilmin sidoo kale waxa muhiim ah inuu madaxda wasaarradaha iyo haayaddaha ay qusayso ilaa madaxweynaha la socodsiiyo hadba halka hawshu marayso, sidoo kale walba awooda saaro ka war haynta goobaha danyarta iyo Bulshadda jilicsan si aanay u dhicin in looga faa’iidaysto goldaloolo saacado kooban ama maalin soo baxday, dhinaca kale wasaaradda Biyaha iyo wasiirkeedda iyo Agaasimaha Guud ba waxa la gudboon inay hawsha fashilinta hawlaha biyo gelinta ee Wakaaladda Biyaha Berbera iyo wasaaraddu ka wadaan degmadda ay il gooni ah ku eegaan, sababta oo ah waxa jira kox abaabulan oo u darban inay fashiliyaan wixii aan iyaga dani ugu jirin tan oo dhalin karta in ay xitaa wiiqdo Siyaasadda Biyo u helista Degamadda oo madaxweyne Muuse Biixi. Ololaha ku galay,

Siyaasiyiinta/Aqoonyahanka/ waxgaradka iyo dhamaan qof walba oo Gobolja ku abirsada masuuliyad baa ka saaran ilaalinta hantida ummada u dhexaysa sidookale masuuliyad baa ka saaran inay ka taliyaab sidii shacabka Biyo nadiifa… Waxbarasho tayo leh… Laydh qiimo jaban iyo caafimaad tayo leh ummada loogu raadin lahaa. Odayaasha iyo waxgaradka Gobolka wax la gudboon inay ka hawl galaan sidii Laydhka magaaladdu Gacanta Dawladda ugusoo noqon lahaa, waayo Berbera waxa u dan ah marwal ba wixii Gacanta Dawladda ku jira,

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here