Akhri. Gabayga Cambar oo diirada saaraya magaalada berbera .Abwaan Muxiyadiin

0
318

Abwaan : Muxyadiin Cabdi Xirsi (deeqsi)
Gabayga (Cambar) wuxu soo baxay maalin Jimce ah, oo taariikhduna tahay 19/May/2017, Hargaysa Somaliland. Cambarka uu gabaygu sheegayaa waa magaalada Berbera.
Gabaygu waxa uu bulsho-weynta u soo tebinayaa magaalo-xeebeedda Berbera iyo qiimaheeda toga ee ay ugu fadhido qaranka Somaliland iyo deriskeedaba, waxa kale oo ay bogaadinaysaa duqa magaalada Berbera ee haatan xilka haya Cabdishakuur Maxamuud Ciddin oo isku hawlay dib-udhiskeeda iyo daryeelkeeda.

Berberaay waxaad caan ka tahay, caalamkoo idile.
Carro-edegba waa laga sugaa, cuudku kaa yimiye.
Cidhif kaad ku taal baan kollaba, cidi ka maarmayne.
Waxaad tahay marsada ugu cuddoon, laysma caasiyo’e.
Waxaad tahay cagaa laga socdee, lagaba ciidmaaye.
Waxaad tahay cunaa laga liqaa, ceesh la quutaba’e.
Waxaad tahay candhada noo irmaan, waa cawo Ilaahe.
Waxaad tahay il-calafeedka aan caano-maal gudhine.

Hayeeshee cufbaa kugu xidhnaa, caaro oo kale’e.
Wax badan baad u cawlayd sidii, degelladii Caade.
Wax badan bay ku caascaasiyeen, caalle iyo dayse.
Wax badan buu mid ceebtaada jecel, caanahaa dhamaye.
Waa kaa cashigi kaa bixiyo, caato dhuubnidiye.
Hadduu calanka kuu sido halyey, waa cadkeedalaye.
Halkuu curadkii Haabiil tixaa, culus ka baanaayay.
Caantaynnadaadii safraha, lagu cashuuraayay.
Cisho noolba taariikhdu way, soo celcelisaaye.
Maantana Cabdaa kuugu jira, kaalintiin Caliye.
Ciddin baa Ilaah kugu galladay, lama cadaabaane.
Cisigaaga oo waara iyo, camalka oo suubban.
Iyo caafimaad Guullahay, kugu caqiibeeye.
Caynaanka sii hay waxaad, curisay taariikhe.
Waa Shirihii ceeriga warmaha, Caalinoow ligaye.
Cilmi iyo ammaaniyo kartaan, kuugu soo cugaye.
Ciyoon baad insha’allaahu noqon, caynaddii Dubaye.
Cawadaada ga’ma waadigaa, helay cadkaagiiye.

 

Ciiddaada maadh baa fadhiya, waa cadiyad weyne.
Khayraadka ceegani dalkaba, wuu cokinayaaye.
Ciyiga iyo sooryayntu waa, gob iyo caadkeede.
Cashuurtiyo dakhligu waa wuxuu, calan ku dhaataaye.
Camber kaa helnaa iyo kalluun, nagu casuuntaaba.
Cusbo kaa rarnaa iyo dammaan, carabta geynaaba.
Haddaan Eebbe nagu kaa cawilin, ciir malulaneene.
Inta aan caroogyada la tumin, lagu carraabaayo.
Ee ay carradu taagantahay, caydhi naga dheere.
Abidkaa ha caaridin, Ilaah cadawga kaa haye.

 

Abwaan: Muxyadiin Cabdi Xirsi Deeqsi.
Addresses :-
muxyo@hotmail.com
tixmiir2020@gmail.com
+4485225.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here