Amar Aan La Garaynin Cida Soo Bixisay Oo CIIDAMADA AMAANKA EE BERBERA KU XIDHXIDHAYA GAADIIDKA IYO DADKA LAGU ARKO SAWIRADA SHIRKA BAXARASAAFKA+DAD IYO GAADIID TIRA BADAN OO SALDHIGA DHEXE BERBERA LAGA BUUXIYAY

0
304

Berbera (Ceelgardinews.com) Ciidamada Booliska Berbera oo kaashanaya kuwa milatariga ayaa daafaha magaalada Berbera ka xidhixidhaya cid kasta oo gaadhigiisa ama gacantiisa lagu arko sawirka(steakerka) ah ee lagu shaacinayo shirka la sheegay inuu Beelaha Gobolka Saaxil uga furmi doona bisha dabayaaqadeeda Deegaanka Baxafarasaafka oo katirsan degmada laasgeel(Dacarbudhuq)kagana beegan dhinaca waqooyiga.

Waxaana ilaa hada Saldhiga dhexe ee Berbera ku xidhan gaadiid iyo dadkii yaryar ubadan iyo dadkii watay kuwaas oo la haysto sawirka shirkaasi maxaad baabuurtiina ugu dhajiseen, waxaanay indhahaygu qabteen Ciidamada oo gawaadhida magaalada maraysa indhaha la raacay kana eegaya inuu sawirkaasi shirka baxarasaafku ku dhagayahay.

Ilaa hada Ciidamada amaanka iyo Maamulka Gobolka Saaxil iyo ka Degmada Berbera toona kamay hadlin sababta keentay in sawirkaa uu ku qoranyahay shirka Beelaha Gobolka Saaxil iyo shaacintiisu waxa loo dabar goynayo waxse la wada ogayahay in shirkan xukumada Madaxweyne Siilanyo sas ka qaaday wax kasta oo ay ku hakin karayso isku dayayso.

lama garanayo in dadka iyo gaadiidka Sababta sawirkaas loo xidhxidhay in lasii hayn doono iyo in la siidayn doono kadib marka sawiradaas laga jarjaro.sidoo kale waxa la sheegayaa in amarkan lagu dabar goynayo sawirada Beesha Gobolka Saaxil inuu kasoo baxay Madaxtooyada Somaliland Maamulada dawlada ee Gobolkana amar lagu soo siiyay.