ANIGU SHAKHSIYAN WALIGAY MADAXWEYNE LA DOORTAY OO SOMALILAND AH KAMA HOR IMAN, NINKA MADAXWEYNE UMADDA U NOQONAYAANA IMIKA WUU QORAN YAHAY”AMBASADOR CAWIL

0
234

 

yaanu shakhsi kuu muuqanin oo aanu dareenka aad qof ka qabtaa ku ilawsiinin dalka, umadda iyo halka lasoo gaadhay…..”Ambassador Cawil

Hargeysa(Ceelgardinews.com)-La-taliyaha madaxweynaha ee dhinaca siyaasadda arrimaha dibadda Ambassador Xuseen Cali Ducaale(cawil), ayaa ka hadlay xaaladda siyaasadeed ee haatan dalku marayo, waxana uu bulshada usoo jeediyey inay isku duubnaani iyo wada-jir ku qaabilaan arrimaha taagan.
Cawil-Cali-Ducaale
Ambassador Cawil oo habeen hore ka hadlay munaasibad ay lahayd shirkadda daabacaadda ee SAGALJET, ayaa ku baaqay in la iska dhaafo xamaasadda iyo xurgufta doorashadu leedahay, isla-markaana hal maalin oo ciddii dalka hoggaamin lahayd la dooranayaa aanay dhibaato waddanka gelinin, waxana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi, “Waxa foodda inagu soo haysa doorashooyin madaxtooyo oo culayskooda leh, doorashooyinkuna xamaasad iyo xag-xagasho siyaasadeed bay leeyihiin, waxana ay abuuraan dareenno, doorashona waa maalin qudha, arrin ku siman maalin qudhana inay isku duubnaantii umaddeena inaga dhaawacdo ma aha.”

Ambassadorku isaga oo hadalkiisa sii wata waxa uu sheegay in shakhsiyaadka kooban ee hoggaanka dalka u beratemaya ay bulshada inteeda kale ka qiimo badan tahay,“dadkeenu waa dad bisil oo doorashooyin soo arkay, tan soo socotana waxan aaminsanahay inay si fiican inoogu dhacayso, shakhsina waxa ka qiimo badan umadda kale oo dhan, shakhsigana lama qiimeeyee umadda iyo dalka oo dhan baa la qiimeeyaa” ayuu yidhi Xuseen Cali Ducaale.

Waxa uu Xuseen Cali Ducaale sheegay inuu abidkii mucaaridin madaxweyne ay Somaliland yeelato tan iyo intii ay xorriyadeeda dib ula soo noqotay, waxana uu ku baaqay in shakhsiyaadka xamaasaddu hayso gacanta lagu qabto, waxana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi,“Anigu shakhsiyan waligay madaxweyne la doortay oo Somaliland ah kama hor iman, laga soo bilaabo Cabdiraxmaan Axmed Cali, Cigaal, Daahir Rayaale oo aan dawladiisii ku jirey iyo madaxweyne Siilaanyo, yaanu shakhsi kuu muuqanin oo aanu dareenka aad qof ka qabtaa ku ilawsiinin dalka, umadda iyo halka lasoo gaadhay, axsaabtuna waxa ay iska leeyihiin dad xamaasaddii iyo qiiradii xisbigu madax martay, waxase loo baahan yahay in raggaas xamaasaddu hayso aynu xakamayno oo aanay hadalladoodu xajiin inagu abuurin.”

Ambassadoorku waxa uu hoosta ka xarriiqay in ciddii madaxweyne noqon lahayd xagga ilaahay ka qoran tahay, balse ficil uun looga baahan yahay siyaasiyiinta, “Ogaada ninka kurisga ku fadhiisanayaa xagga ilaahay buu ka qoran yahay, inagase dedaal uun baa la inaga doonayaa, ninka madaxweyne umadda u noqonayaa imika xagga ilaahay wuu qoran yahay inagana or-oradkaas uun baa la inaga doona

 

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here