Annigu waxa aan arkaa hantidii umaddu lahayd oo nin iska qaatay. Tiyaatarkii dadka ka dhexeeyey meeyey

0
397
Annigu waxa aan arkaa hantidii umaddu lahayd oo nin iska qaatay. Tiyaatarkii dadka ka dhexeeyey meeyey? Hadii guusha aynu u dabaal degaynaa tahay hanti guud oo qof la siiyay, guusha ayaynaan isku si u aqoon.
Mid wadada goostay hadii aad tidhaadho: duqa sidee wax leedahay? Waxa ay jawaabtiisu tahay: oo miyaynaan u soo halgamin? Ma inaynu qasno ayaynu u soo halganay mise inaynu dhisno qaran taabo-gal ah, dawladnimo adag, kala danbayn iyo sharci?
Hankaaga kor u yara qaad oo doon Somaliland aqoonsi leh, caddaaladi ka jirto, shaqo abuur leh, caruurtu meelo ay ku ciyaarto haysato (ee aan ganacsato la siin bogcad walba), dugsiyo iyo cisbitaallo tayo leh ka jiraan, sharcigu shaqeeyo ee aan wejigu shaqayn.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here