Arrin Ninkii lahaa lagala Carrarayo, Aaffaa ku qarsoon ” Aqoonyahan xuseen cabdi cali ” badhaani”

0
314

Hargeysa ( Ceelgardinews.com ) – Markaad eegto bilahan u dambeeyey waxaa dibada u soo baxday arrin muddaba qarsoonayd oo ah in dawlada Imaaraatka Carrabtu ay doonayaan inay Saldhig Military laga siiyo magaalo xeebeedka Berbera.

Dalabkan Saldhiga military oo ah mid khatar badan maadaamo oo uu sameyn badan ku yeelanayo dhinaca Amniga. Dhaqaalaha, Deeggaanka, Madaxbaaninada dalka, Arrimaha Dibbada, xidhidhka caalamka iyo waddamada jaarkaba.

Hadaba ka sakow saamayntaa aynu soo sheegnay oo u baahan in cid aqoon u lihi ay naaqishto si fiicana u lafogurto, madmadow badan oo kale ayaa ku jirro markaad ka eegto sida Xukuumada iyo Wasiiradeeda uga warbixiyeen dalabkan saldhiga military, tusaale ahaan:

Wasiirada fool-eryaya arrinta dhamaantood waa wasiirro aanay shaqadooda ahayn laakiin hunguri hayo, halka wasiiraddii iyo Masuuliyiintii arrinta ay shaqadooda ahayd na ay badhkood ka dayriyeen qaar na ayna Warba ka hayn ama aan lala socodsiin ba.

Wasiirada arrinta saldhiga military u olloleynaya ee barwaaqada aan muuqan inoo sawiraya waxaa ka mid ah:

1. Wasiirka Duulista; Farxaan A. Haybe
2. Wasiirka Caddaalada; Axmed F. Caddare
3. Wasiirka X. Xoolaha; Cabdilahi Daahir Cukuse
4. Wasiirka Qorsheynta; Maxamed A. Qabbo

Dhanka kale bal eeg, Wasiirada ka dayriyey arrinta waxaa ka mid ah Wasiirka A. Dibbadda; Dr. Sacad C. Shire. Sidoo kale waxaan arrinta laba socon ama aan ka hadlin Wasaarada iyo Haayada ay muhiim ahayd inay shookaanta u qabtaan dhamaan hawlaha saldhigan military tusaale:

1. Wasiirka Gaashaandiga: Axmed X. Cali Cadami
2. Wasiirka A. Guddaha: Yaasiin Faratoon
3. Taliyaha Ciidanka Qaranka: S/Gaas Nuux Taani

Haddaba arrintan Saldhiga military inaanay saxsanayn waxaa u cadayn ah sida loo gala carrarayo Wasiiradii iyo masuuliyiintii ay ahayd inay majaraha u hayaan haday tahay ka talobixinta, ka warbixinta iyo guud ahan heshiiskaba.

Xalaal iftiin baa la qashaaye, waxan leeyahay ARRIN NINKII LAHAA LAGALA CARARAY, AAFAA KU QARSOON.

Dillaalkaa igaga fillan
Isba daallac naasilka
Gacmihiisa dadan buu
Daabaxa ku iibshaa
Dufan hadaanu ku oggayn
Bal day inaanu qariyeen!

Maansada Duufaan.
Abwaan Xassan Ganey,

aqoonyahan  Xuseen Badhaani

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here