arunta Wasaaradda Arrimaha Dibedda & Iskaashiga Caalamiga ah waxa ka qabsoomay shir ku saabsan u diyaargarawga

0
68
 – Xarunta Wasaaradda Arrimaha Dibedda & Iskaashiga Caalamiga ah waxa ka qabsoomay shir ku saabsan u diyaargarawga munaasibadda Qaran ee 18-ka May.
Guddida Qabanqaabada Munaasibadda Qaran ee 18-ka May ee WAD&IC ah ee JSL oo ka kooban Agaasime-waaxeedyada iyo La-taliyeyaasha Wasaaradda, ayaa soo bandhigay qorshe-hawleedkoodii munaasibadda qaran ee 18-ka May iyo halka ilaa hadda hawluhu u marayaan.
Kulanka waxa shir-guddoominayay Wasiir-ku-xigeenka Wasaaradda, marwo Rooda Jaamac Cilmi, iyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda mudane Axmed Abokor Maxamed, waxaa sidoo kale qayb ka ahaa dhammaan guddidii qabanqaabada ee munaasibadda qaran ee 18-ka May.
Wasaaradda Arrimaha Dibeddu waxa ay sheegtay in ay qorshaynayso in sannadkan Xuska Maalinta Qarannimada ee 18-May loo xuso si wayn maadaama uu sannad kani yahay sannadkii Ictiraafka.