asiirka Wasaaradda Dawladaha Hoose iyo Horumarinta Magaalooyinka JSL Mudane Xasan Axmed Ducaale (Macallin),saaka hoolka shirarka ee Wasaaradda ka furay kulanka

0
51
Wasiirka Wasaaradda Dawladaha Hoose iyo Horumarinta Magaalooyinka JSL Mudane Xasan Axmed Ducaale (Macallin), ayaa saaka hoolka shirarka ee Wasaaradda ka furay kulanka Tababarka, kormeerka iyo aqoon-isweydaarsiga ee Degmooyinka Gobolka Maroodijeex, Gebilay iyo Hawd.
Kulankan muhiimka ah oo socon doona muddo laba cisho ah ayaa diirada lagu saarayaa kor u qaadista tayada Maamulka ee Degmooyinka, qiimaynta Caqabadaha jira iyo waxyaabaha u qabsoomay ee dhinaca horuumarka.
Shirkan waxaa ka soo qaybgalay Wasiir Kuxigeenka Wasaaradda Dawladaha Hoose iyo Horuumarinta Magaalooyinka, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Dawladaha Hoose iyo Horuumarinta Magaalooyinka, Maayorka Caasimada Hargeysa, Xoghaya Fulinta ee Dowladda Hoose ee Hargeysa iyo Masuulin kale.