axa xaqiiq ah in badi cuntooyinka aynu cunno aynu ka soo iibsano dalka dibaddiisa. Waxa ay arrintani inoo nuglaysay khataro badan

0
148
Waxa xaqiiq ah in badi cuntooyinka aynu cunno aynu ka soo iibsano dalka dibaddiisa. Waxa ay arrintani inoo nuglaysay khataro badan oo ay ka mid tahay in cuntooyin aan ku habboonayn in la quuto dalka loo soo waarido.
Iyada oo ganacsatadu isku damiir iyo damqasho ahayn, Waxa muddo dheer la tuhmayay in tayada cuntada dalka la keeno oo liidataa ay sabab u tahay xanuuno badan oo aan hore u badnaan jirin oo dalka ku faafay.
Todobaadkii hore waxa dadka reer Somaliland ku warheleen in la qabtay shixnad gawaadhi ah oo sidda cunto looga shakiyay in wakhtigeedu dhacay. Baadhis ay samaysay Hay’adda dhawrista tayadu ayaa lagu xaqiijiyay in raashinkaasi aanu ahayn mid ku habboon in la quuto.
Arrintani waa mid khatarteeda leh. Waxa aan ku baaqayaa in sharciga la horkeeno ciddii raashinkan dalka soo galisay, islamarkaana maxkamad awood u lihi go’aan ka gaadho kiiskan.
Waxa kale oo muwaadiniinta reer Somaliland xaq u leeyihiin in ay ogaadaan shirkadaha ganacsi ee raashinkan dalka usoo dhoofiyay.
Waxa aan ogahay in inta badan ganacsatada Somaliland yihiin kuwo u tudha dadkooda islamarkaana hubiya tayada alaabta ay dalka keenayaan, hase ahaatee, kuwa kooban ee aan damiirka iyo damqashada lahayn waxa aan ugu baaqayaa in ay ka waantoobaan ficilada guracan.
Dhanka kale, xukuumadda waajib ayaa ka saaran in ay hubiso dhammaan tayada alaabaha kala duwan ee dalka loo soo dhoofinayo.
Guddoomiye Anwar .