Ceerigaabo (Ceelgardinews.com)madaxweyne ku xigeenkii hore ee somaliland Axmed Yuusuf Yaasiin ayaa ka waramay xaalada magaalada Ceerigaabo iyo amaankiisa.
Axmed Yuusuf Yaasiin oo khadka telefanka ugu waramayey Hadhwanaagnews ayaa waxa kale oo uu fariin u diray shacabka somaliland iyo xukuumadaba.
Ugu horayn Axmed Yuusuf Yaasin oo ka hadlaya xaalada magaalada Ceerigaabo ayaa waxa uu yidhi “Xaalada magaalada Ceerigaabo way fiican tahay,Anigu waxaan ka soo baxayey dhinaca deegaanka Maydh, waxaana jiray dad ka mudaharaadayey magaalada Ceerigaabo sida lay sheegay laakiin war rasmiya oo aan ka hayaa ma jiro.”
Sidoo kale waxa uu dawlada somaliland ugu baaqay inay nabad galyada aad u xoojiso waxaanu yidhi “Dawlada Somaliland waxaan u dirayaa inay nabad galyada aad u adkeeyaan oo dadka waxaas fidinaya ee ka shaqaynaya inay dadka kala dilaan gacan wax kaga qabtaan.”Ayuu yidhi Madaxweyne ku xigeenkii hore ee somaliland Axmed Yuusuf Yaasiin.
Axmed Yuusuf Yaasiin ayaa sidoo kale ka gaabsaday inuu ka hadlo wararka sheegaya in ciidamada qaranka somaliland ee ku sugan magaalada Ceerigaabo ay la wareegeen amaanka taliyaha qaybta booliska gobolka Sanaag.