Axmed Yuusuf Yaasiin Oo ka Waramay Xaaladiisa Amaan Iyo Xaalada Magaalada Ceerigaabo, Fariina U Diray Shacabka Iyo Xukuumada

0
290

Ceerigaabo (Ceelgardinews.com)madaxweyne ku xigeenkii hore ee somaliland Axmed Yuusuf Yaasiin ayaa ka waramay xaalada magaalada Ceerigaabo iyo amaankiisa.

Axmed Yuusuf Yaasiin oo khadka telefanka ugu waramayey Hadhwanaagnews  ayaa waxa  kale oo uu fariin u diray shacabka somaliland iyo xukuumadaba.

Ugu horayn Axmed Yuusuf Yaasin oo ka hadlaya xaalada magaalada Ceerigaabo ayaa waxa uu yidhi “Xaalada magaalada Ceerigaabo way fiican tahay,Anigu waxaan ka soo baxayey dhinaca deegaanka Maydh, waxaana jiray dad ka mudaharaadayey magaalada Ceerigaabo sida lay sheegay laakiin war rasmiya oo aan ka hayaa ma jiro.”

ayaa ka gaabsaday inuu ka jawaabo waxaanu sheegay in wakhtigii aanu la xidhiidhnay uu ka soo baxay magaalada Ceerigaabo isla markaana uu ku soo jeedo magaalada Burco  waxaanu yidhi “Taas kuuma sheegi karo sababtoo ah imika magaalada ma dhex joogo,laakiin markii aan soo maray magaaladu way daganayd waxbana kamay jirin, haatana waxaan ku soo socdaa magaalada Burco.”Sidoo kale Axmed Yuusuf Yaasiin ayaa baaq u diray shacabka somaliland waxaanu yidhi “Waxaan odhan lahaa ha dhagaysanina qaran dumiska, dadka kala dilaha, waana siyaasad oo rag ayaa waxan ku shaqaysta, waxaan leeyahay wadankiina adkaysta oo boro bagaandada uu faafinayo ninka somaliland diidka ahi yaan la sii buun buunin.”

Sidoo kale waxa uu dawlada somaliland ugu baaqay inay nabad galyada aad u xoojiso waxaanu yidhi “Dawlada Somaliland waxaan u dirayaa inay nabad galyada aad u adkeeyaan oo dadka waxaas fidinaya ee ka shaqaynaya inay dadka  kala dilaan gacan wax kaga qabtaan.”Ayuu yidhi Madaxweyne ku xigeenkii hore ee somaliland Axmed Yuusuf Yaasiin.

Axmed Yuusuf Yaasiin ayaa sidoo kale ka gaabsaday inuu ka hadlo wararka sheegaya  in ciidamada qaranka somaliland ee ku sugan magaalada Ceerigaabo  ay la wareegeen amaanka taliyaha qaybta booliska gobolka Sanaag.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here