Baanka Dhexe Ee Berbera Oo Wax Isdaba Marin Iyo Xatooyo Lacageed Ka Dhacday Iyo Labo Shaqaalaha Ah Oo Booliisku Radinayo

0
280

Berbera ( Ceelgardinews.com) -Wararka Kasoo Baxay Baanka Dhexe Ee Berbera Ayaa Sheegaya In Labo kamida Shaqaalaha Baanka Booliisku Raadinayo, Waxaan wararku Sheegayaan in wax Isdaba Marin Lacageed Ay ka Dhacday Baanka dhexe Ee Berber

Illaa Iminka Lama garan Karo Cadadka lacagta Ah Ee la Musuq Maasuqay , Laakiin Illo Wareedyo Ayaa xaqiijinaya In Aanay Badnay Lacagta la Isdaba Mariyay ee uu Ogaaday Maamulaha Cusub Ee Baanka Berbera,

Maamulaha Baanka Berbera Oo HWN Isku dayday In Aay Arinkaa wax ka waydiiso Ayaa teloofankiisu Noo Shaqayn Waayay

Wararka Qaarkood Ayaa Sheegaya In Mid Kamida labadii Shaqaalaha Ahaa ee Loo Tuhmayay wax Isdaba Marinta La qabtay oo la xidhay, Halka ka kalena uu u baxsaday Hargaysa oo la raadinayo.

Arinkan Ayaa soo Baxay Uun malintii sabtidii shalay, Iyadoo Maamulaha Baankuna Heegan Culus galiyay qaybaha Xisaabaadka ee Baanka , si Baadhis Xoogan Loo galo .

 

 

 

Xigasho Hadhwanaagnews.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here