Baanka Dhexe ee JSL waxaa uu heshiis iskaashi oo dhinaca aqoon dhisada la sexeexday Machadka Barasha Culuumta Baananka iyo Maaliyada ee wadanka Baxrayn

0
45
Baanka Dhexe ee JSL waxaa uu heshiis iskaashi oo dhinaca aqoon dhisada la sexeexday Machadka Barasha Culuumta Baananka iyo Maaliyada ee wadanka Baxrayn (Bahrain Institute of Banking and Finance).
Machadkani oo hoos yimaada Baanka Dhexe ee Wadanka Baxrayn waxaanu bixiyaa aqoon heerar kala duwan leh iyo tababaro tayadoodu aad u sarayso kuwaas oo u ugu talo galay shaqaalaha hay’adaha maaliyadeed (Financial Industry Practitioners).
Baanka Dhexe waxaa ku matalayay heshiiskaas oo u saxeexay Mudane Dr. Cali Cabdilaahi Daahir oo ah Guddoomiyaha Baanka Dhexe, dhanka kale ee Machadka waxaa matalayay Dr. Axmed Sheekh oo ah maamulaha guud ee Machadkaas.
Haddaba, Sidaa uu dhigaayo heshiiskan is-afgaradka ahi (MOU) Shaqaalaha Baanka somaliland waxaa ay ku heli -donaan qiimo aad u jaban dhammaan barnaamijiyada wax-barasho iyo kuwa tabobarineed ee uu bixiyo Machadkaasi.
Baanka Dhexe wuxuu uga gol-leeyahay heshiisyada nooc oo kale ah in uu kor u qaado aqoonta iyo xirfada shaqaalaha hay’addaha maaliyadeed ee wadanka Somaliland, si kor loogu qaado tayada adeegyada maaliyadeed ee ay u qabtaan bulshada.