Baarlamaanka Puntland Oo 8 Xildhibaan Xasaanadan Ka qaaday

0
328

Garoowe, December 03, 2020: Fadhiga 20-aad ee Kalfadhiga 47-aad Golaha Wakiillada Dawladda Puntland oo uu shir-guddoomiyey Guddoomiyaha Golaha Wakiillada DPL Mudane Gudoomiye Abdirashid Yusuf Jibril oo ay wehliyaan, ku xigeenka 1aad Hon. Abdiaziz Abdullahi Osman iyo ku xigeenka 2-aad Mudane, Ismaaciil Maxamed Warsame.

Fadhiga oo Ajandaha ahaa dhageysiga eed ay soo gudbisay Xeer-ilaalinta Guud ee Dawladda Puntland kuwaas oo laga soo gudbiyey 8 Xildhibaan oo ka tirsanaa Golaha Wakiillada.

1. Xil. Cabdi Jamaal Cismaan Maxamed
2. Xil. Saleebaan Faarax Ciise
3. Xil. Cabdiqani Abshir Jaamac ( Surato)
4. Xil. Cabdiraxmaan Maxamed Maxamud ( Dhoore)
5. Xil. Muuse Siciid Xassan
6. Xil. Maxamuud Maxamed Barre
7. Xil. Cabdicasiis Siciid Maxamuud
8. Xil. Maxamuud Axmed Caalin

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dawladda Puntland ayaa ku soo dhaweeyay Xeer-ilaaliyaha Guud ee Dawladda Puntland Maxamuud Xassan Aw Cismaan oo golaha la wadaagay eed ka dhan ah Xildhibaannada kor ku xusan, waxa uuna codsaday in xasaannada laga xayuubiyo si dacwad loogu soo oogo, isagoo ku eedayay inay ku xad-gudbeen Dastuurka DPL iyo Xeer-hoosaadka Golaha Wakiillada.

Ugu dambeyntiina 35 mudane ayaa cod gacan-taag ah ku oggolaadey, waxaana diidey 3 Mudane, halka uu ka aamusay 1 Mudane.

DHAMMAAD

Xafiiska Warfaafinta & Wacyi-gelinta
Golaha Wakiillada Dawladda Puntland

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here