Badhasaabka gobolka Togdheer Maxamuud Cali Saleebaan Ramaax maanta kormeeray goobta laga dhisaayo Cisbitalkii casriga ahaa ee Burco, ayaa sheegay in shaqada bilawga dhismaha Cisbitaalku ay socoto, isla markaana ay ku dedaalayaan inay hirgasho.
Gudoomiye Ramaax ayaa muujiyay sida ay uga go’an tahay ka maamul gobol ahaan dhismaha Cisbitaalkaasi casriga ah, oo uu ku sifeeyay mid lagaga maarmi doono adeegyo badan oo dalka dibadiisa loo tagi jiraya.
Wuxu yidhi “Waxa aan Xafiiska u fadhiisan waayay, Dhakkhtarka Casriga ah ee Burco muhiimada uu Qaranka u leeyahay ayaan dareesan nahay”
Banaynta iyo hagaajinta goobta laga dhisayo Cisbitaalka casriga ah ee Burco ayaa ka bilaabantay goobta dhismaha loogu talogalay, waxaan ka socota shaqo culus oo lagu binaynayo Cisbitaalkan oo uu dhawaan Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Somaliland dhagax dhigay.



















