Barlamaanka Koonfur Galbeed oo doortay haweenaydii labaad ee koonfur galbeed u matalaysa aqalka sare

0
253
messenger sharing button
whatsapp sharing button
email sharing button
 Ayaan Adan Cabdullaahi ayaa noqotay haweenaydii Labaad ee kusoo baxda doorashada xildhibaanada aqalka sare ee koonfur galbeed ku matalaya barlamaanka labaad ee aqalka sare.

Senator Ayaan Adan Cabdullahi ayaa ku guulaysatay doorashada kursiga ay u loolamaysay kaddib markii ay barlamaanka Koonfur Galbeed ay ka heshey 79 cod.

Waxay ka guulaysatay Farxiyo Nuur Aadan oo codadkii la dhiibtay ka heshay 8 cod.  Shan kamid ah codadka ayaa halaabay, iyadoo tirada guud ee codbixiyaasha ay ahaayeen 92 mudane.

Koonfur Galbeed waxay markii labaad barlamaanka aqalka sare u dirsanaysaa labo sanator, waana maamulkii ugu horeeyay ee tallaabo nuucaas ah qaada.

Aqalkii hore, waxaa Koonfur Galbeed u matalayay Samsam Ibraahim Cali oo maanta mar kale kursigeeda difaacatay iyo Timiro Maxamed Cali.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here