BAYAAN: Xeerka Ucid Muxuu Ka Qabaa Shirweynaha Lagu Xidhay Musharaxnimada Jamaal, Sidoo Kale Maxay Tahay Shanqadha Faysal Dareemay ee Kaliftay Racfaanka Maxkamada Sare(Maxamed Aadan Dubad (Gacayte) Xubin Golaha Dhexe Xisbiga UCID)

0
325

Hargaysa (Ceelgardinews.com) Waxaan halkan idiinku soo gudbinayaa Bayaan aan si faahfaahsan ugaga hadlay labadan qodob ee sare:- Marka hore waxaan doonayaa inaan halkan ka cadeeyo in aanu jirin tartan danbe oo Golaha Dhexe oo Xisbiga Ucid ku dooranayo Musharax Madaxweyne. Sidoo kale Guddida Diiwaangalinta oo hore uga garnaqday dacwada ucid waxay cadaysay inaanu jirin shir gole dhexe oo danbe oo Musharaxiin lagu dooranayo. Sababtoo ah, Kalfadhigii 5aad ee Golaha Dhexe ee Xisbiga Ucid ee qabsoomay 28 Oct. 2012.

Ayaa si rasmi ah cod gacan taag ah loogu doortay Musharaxiinta Jagada Madaxweyne iyo Madaxweyne Ku Xigeen, si waafaqsan Xeerka Xisbiga Ucid, Kadib midowgii heshiiska dib u noolaynta Ucid ee ay wada galeen Hadhaagii Ucid Faysal hogaaminayay iyo Garabkii Xisbiga Udub ee Jamaal Cali Xuseen taariikhdu markay ahayd 12/07/2012.

Hadaba iyadoo ay sidaa tahay Goaankii Guddida Diiwaangalinta ee Faysal racfaanka ka qaatay waxa ku jiray qodob odhanaya Musharaxnimada Jamal waxay ku dhamaystrimaysaa Shirweyne aan caadi ahayn. Anagu maanu diidin manaanu durin mar hadii waxa shirweynaha laga ansixinayaa yahay dhamaan qodobada Heshiiska oo uu musharaxuna qayb ka yahay duuduub ayaanu ku liqnay. Hadaba marka la eego qodobka odhanaya Shirweyne halagu ansixiyo Musharaxnimada,

waxay baalmarsantahay oo si toosa uga hor imanayaa Xeerka Ucid qodobadiisa 16aad, 27aad iyo Xeer Lam.14. Oo qeexaya habka lagu dooranayo Musharaxiinta Madaxweyne iyo Ku Xigeen iyo Waliba in Golaha Dhexe awood u leeyahay ansixintooda, Shirweynana aanu shaqo ku lahayn. Garabka Faysal maxay indhaha iskaga tuurayaan bal ha keenaan meesha ay Xeerka Ucid kaga taalo Musharaxiinta Shirweyne ayaa lagu ansixiyaa.

Sidaas darteed Go,aanka Guddida Diiwaangalintu hore uga soo Saartay Dacwada Ucid waxay hoosta ka xariiqday in Ucid yahay Xisbi Qaran oo lawada leeyahay, waxaanay meesha ka saartay in qof kaliya uu sheegto Xisbiga, kuna tagrifalo wax ka baxsan awoodahiisa. Guddidu waxa ay cadaysay in Ucid ay ku Midoobeen Labo Garab oo ay kala hogaaminayeen Faysal Cali Waraabe iyo Garabkii Udub ee Jamaal Cali Xuseen,

oo kala saxeexday Heshiis ku taariikhaysan 12/07/2012. Midawga Isbahaysiga cusub ee New Ucid wuxuu noqday mid guul u horseeda in Ucid marlabaad ka mid noqdo saddexda Xisbi Qaran ee Somaliland. Iyadoo Go,aanadan ay Guddidu u cuskatay Heshiiskii Labada Garab ee ku taariikhaysan 12/07/2012, Xeerka Ucid iyo Xeer No.14. Waxay soo saareen in la qabto shirweyne aan caadi ahayn si looga ansixiyo dhamaan qodobada Heshiiska,

waxaana si isle’eg loosoo xuli doonaa Ergooyinka shirweynaha. Waana Qodobka Faysal ka dagi waayay ee ku kalifay inuu Racfaan ka qaato. Faysal wuxuu hilmaamay in qodobka 4aad ee Heshiisku dhigayo in Xisbiga wax walba si isle’eg loo qaybsan doono, Guddiduna ay isla qodobkaas u cuskatay qabsoomida shirweynaha aan caadiga ahayn. Faysal se wuxuu filayay in la yidhaahdo adigu soo xul ergooyinka qoladana kusoo marti qaad shirka taasina mid u dhacaysa sidaa uu doonayo marnaba noqon mayso.

Maxkamada Sare waxa laga sugayaa in dariiqa cadaalada uga garnaqdo cida jabisay ee ku tumatay Xeerka Ucid oo banaanka la keeno cidkasta oo jabisay Sharciga. Mar hadii goaankii Guddida ee Faysal nasteexa u ahaa uu garan waayay isagoo wax aanu lahayn is leh waad heli doontaa. Xeerka Ucid oo kaliya hadii Faysal lagu qaado xataa wuxuu luminayaa Xubinimada Xisbiga iskabaa Gudoomiyenimo eh. Iyagoo ogsoon Shacabka Somaliland naruurada iyo nuurka ka dhex ifay Garsoorka iyo Cadaalada, hadana waxay isha ku hayaan Goaanka Maxkamada Sare kasoo saarto Dacwada u dhaxaysa labada garab ee Ucid taasoo dhamaystir u noqon doonta
Qiimaynta Shacabka ee Dhinaca Garsoorka iyo Cadaalada.

Ilaahay sida xaqa ah hayna waafajiyo.
Maxamed Aadan Dubad (Gacayte)
Xubin Golaha Dhexe Xisbiga UCID
Gacayte09@gmail.com
Hargeisa/Somaliland