Beesha Caalamka Oo Ugu Baaqday Xildhibaanada Baarlamaanka Somaliya Inay Ansixiyeen Hanaanka Doorasho Ee Lagu Heshiiyey –

0
378
Beesha Caalamka Oo Ugu Baaqday Xildhibaanada Baarlamaanka Somaliya Inay Ansixiyeen Hanaanka Doorasho Ee Lagu Heshiiyey

Muqdisho(Ceelgardinews.com):-baaq ay si wada jir ah u soo saareen Midowga Afrika, Qaramada Midoobay, Midowga Yurub, IGAD, Mareykanka, Itoobiya, Sweden iyo Talyaaniga  ayaa u soo jeediyey xildhibaanada baarlamaanka somaliya inay ansixiyeen hanaanka doorasho ee laysku raacay in laga qabto somaliya.

Xubno kala matalayey beesha caalamka ayaa dhawaan kulan la qaatay shir gudoonka baarlamaanka iyo xubnaha uu baarlamaanku u saaray turxaan bixinta heshiiska lagu go,aamiyey hanaanka doroashada, kuwaas oo u soo jeediyey inay si deg deg ah u ansixiyaan.

Wakiilka xoghayaha qaramada midoobay u qaabilsansomaliya Micheal Keating oo ka hadlay qodobada lagu heshiiyey kuwooda ugu muhiimsan  waxaanu tilmaamay inay ka mid yihiin Dhismaha Aqalka Sare  ee Baarlamaanka iyo sida kuraasta loo qoondeeyay Haweenka oo ah 30%, isagoo xusay inaanay marnaba habboonayn in dib u dhac lagu keeno, waxaana hadaladiisii ka mid ahaa “Baarlamaanka Federaalka, waxaan ka codsanaynaa inay fahmaan dareenka sii kordhaya ee deg-degga ah iyo inay u gutaan waajibka ka saaran arintan, waxaana muhiim ah inay ansixiyeen geedi socodka hanaanka doorasho oo aanay dib u dhac ku iman, waxaana booqasho dalka ku imanaya xubnaha golaha amaanka.”

Ergayga ayaa hadalkiisa ku daray. “Mustaqbalka Siyaasadeed ee Soomaaliya ayaa hakad ku jira illaa laga meel-mariyo Hanaanka Doorashooyinka Soomaaliya.”

Dhanka kale, Xubnaha Beesha Caalamka ayaa hoosta ka xariiqday inay diyaar u yihiin taageerada Nidaamka Doorasho ee sannadkan ka dhacaya Somalia, Laakiin Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaan weli meel-marin hannaankan doorasho ee lagu heshiiyay, kaasoo ah awood-qaybsi ku dhisan 4.5.

Ceelgardinews.com
Muqdisho Somalia