BEESHA SALAMADOWO OO MUSHARAXII UGA QAYB GALI LAHAA DOORASHADA WAKIILADA SHACISAY

0
301

Berbera(Ceelgardinews.com)Musharxnimada xildhibaan maxamed Dr abdirahman dubad ayaa waxa si isku mid ah usoo dhaweeyey dhamaan aqoonyahanka, culimaa’udiinka , dhalinyarada iyo siyaasiyiinta beesha solomodow, xildhibaankan oo ah aqoonyahan ganacsade ah oo in badan ka waday wadanka gudihiisa arimaha la xidhiidha horimarinta degaanka iyo bulshada ku dhaqan gobolada TOGDHEER, SARAAR IYO BUHOODLE ayaa xalay ku shaaciyay xaflad xalay lagu qabtey mid ka mid ah hotelada waaweyn ee magalaada burco oo ay ka soo qeyb galeen bulshada kala duwan ee beelweynta solomodow, ayaa badiba si isku mid ah loo soo wada dhaweeyey loona muujiyay balanqad iyo tageera isku mid ah, Eng. Mahamed Dr. Abdirahman oo noqonaya musharaxa kaliya ee beesha solomodow ay si isku mid ah usoo dhawaysay ayaa waxa uu meeshaa ka jeediyay qudbad cajiib ahayd oo dhinacya badan taabanaysa haday noqto dhaqaalaha, arimaha buslahada iyo siyaasada guud ee degaan ka, iyo sidii nabad waarta looga wada dhalin lahaa degaanada colaad iyo horimarintu ragaadisey ee gobolka BUHOODLE. Eng Mohamed Dr abdirahmaan oo ah aqoonyahan waxbarshadisii hoose dhexe ilaa sare ku dhamaystay magalada Hargiesa kana diyaariyay waxbarsho heer jamacadeeda Ku soo Qaatay magalaada xamarEe Dalka Somalia

ayaa ah ilaa iminka musharaxa loo soo xulay inuu beesha u matalo aqalka golaha wakiilada jamhuuriyada Somaliland, waxaana qudbadiisii ka mid ahaa “ ma ihi qurbo joog wadanka usoo shaqo tagey ee waxaan ahay nin wakhtigisii ku dhameyey u adeega iyo kur usoo qaadka bulshada hadana waxaan diyaar u ahay inta noloshayda ka dhiman inaan usii adeego bulshadeyda iyo qarankeygaba””

Ayuu Xildhibaanku ku soo Koobay Hadalkiisa

Ceelgardinews.com

Berbera office