BERBERA:Xisbiga WADDANI oo Xalay Xaflad Soo Dhaweyn ah Ku Qaabilay Taageerayaal Baaxad weyn oo Ka Soo Jeeda Beelaha Habar-jeclo ee Bariga Berbera+SAWIRO

0
319

Berbera():-Xaflad si heer sare ah loo soo agaasimay oo Xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI uu ku soo dhaweynaayey siyaasiyiin, wax-garad, duqeyti, haween, dhallinyaro iyo taageerayaal aad u tira badan oo ka soo jeeda beelaha Habar-jeclo ee bariga magaalada Berbera, ayaa xalay ka qabsoontay hotel Maansoor ee magaalada Berbera.

Waxaana ka soo qeyb-galay Murashaxa Madaxweynaha Xisbiga WADDANI Dr.Cabdiraxmaan M.Cabdillaahi (Cirro), murashaxa Madaxweyne ku xigeenka Xisbigaasi Ambassador Maxamed Xaaji Cali Cabdi, hoggaamiyaha Xisbiga WADDANI Md.Xirsi Cali Xaaji Xasan, xoghayaha warfaafinta Aqoonyahan Cabdirashiid Xasan Mataan, xoghayaha xidhiidhka carabta ee WADDANI Ambassador Safiina, siyaasi Nuuradiidiini, siyaasi Cali Laan-gadhe, Marwo Saado Dheer, madaxda gobalka ee Xisbiga iyo weli ba sida oo kale taageerayaasha kala duwan ee ka soo jeeda bariga magaalada Berbera.

Qaar ka mid ah siyaasiyiinta, wax-garadka, haweenka, dhallinyarada iyo taageerayaasha ku soo biiray Xisbiga WADDANI isla mar ahaantaana ka soo diga-rogtay Xisbiga KULMIYE oo halkaas ka hadlay, ayaa sheegay in ay aad ugu faraxsan yihiin in ay ku soo biiraan Xisbiga WADDANI, waxaana ay cod dheer ku sheegeen in ay iska tuureen heeryaddii horumar la’aanta ee Xisbiga KULMIYE, iyaga oo sida oo kale na sheegay in beesha Habar-jeclo ee bariga Berbera aanay cidna u xidhneyn isla mar ahaantaana ay Xisbiga WADDANI u arkeen in uu yahay xisbiga kaliya ee dalkan u danta ah, kana abuuri kara isbedel la hubo oo taabo-gal ah.

“Hadaanu nahay beesha bariga Berbera ee Habar-jeclo aad baanu ugu faraxsanahay in aanu ku soo biirno xisbiga WADDANI, weftiga waxa aanu u sheegaynaa in dadweynaha iyo taageerayaasha kala duwan ee halkan soo fadhiya ay yihiin kuwoo soo saaray ee tacab iyo maal ba ku bixiyey Xisbiga KULMIYE balse uu haysan kari waaeyey sida oo kale uu isku wadi kari waayey Muuse Biiixi, waxaana anaga oo cagahayaga ku socona aanu aqoonsanay in Xisbiga WADDANI uu yahay xisbiga kaliya ee maanta dalka ka saari kara dhibbaatada haysata sida oo kale halkii uu soo gaadhsiiyey madaxweyne Siilaanyo ka sii ambaqaadi kara. Waxa kale oon idiin sheegaynaa in laga bilaabo maanta aanay jirin cid u xidh xidhan KULMIYE, shacabkana ay iskood go’aan cad uga qaateen in ay ka soo diga-rogtaan WADDANI, waxaana aan idiin sheegaynaa in aanay jirin cid u xidhan cid gaara.”.Ayey yidhaahdeen qaar ka mid ah dadkii halkaas ka hadlay ee ka soo jeeday bariga Berbera.

Guddoomiyaha gobalka Saaxil ee WADDANI Md.Talaate Codle, siyaasi Cali Laan-gadhe, Marwo Saado Dheer iyo weli ba sida oo mas’uuliyiin tira badan oo ka soo jeeda gobalka Saaxil oo iyagu na halkaas ka hadlay, ayaa sheegay in ay aad u soo dhaweynayaan taageerayaasha ku soo biiray, iyaga oo carabka ku dhuftay in waqalkii isbedelku uu ka hooray Xisbiga WADDANI maadaama oo cududii iyo taageeradii beesha bariga Berbera ay iskugu soo biyo shubatay Xisbiga WADDANI, waxaana ay cod dheer oo yididiilo ah ay ku cabireen in Xisbiga WADDANI ku guuleysanaayo Doorashada Madaxtooyada ee soo socota.

Xoghayaha Warfaafinta WADDANI Aqoonyahan Cabdirashiid Xasan Mataan, Ambassador Safiina iyo weli ba sida oo kale guddoomiye ku xigeenka Golaha Dhaxe ee WADDANI oo iyagu na dhankooda halkaas hadalo kooban ka jeediyey, ayaa sheegay in ay Xisbiga WADDANI ku soo dhaweynayaan taageerayaasha baaxadda leh ee ku soo biiray, waxaana ay carabka ku dhufteen in WADDANI yahay madal u furan guud ahaan shacabka Somaliland balse caawa ay hanteen sida oo kale na ay Xisbiga WADDANI la soo midoobeen dadkii iyo labeentii uu KULMIYE ku hantay talada dalka 2010kii iyaga oo maanta isbedel doon ah.

Hoggaamiyaha Xisbiga WADDANI Md.Xirsi Cali Xaaji Xasan oo isna dhankiisa halkaas ka hadlay, ayaa sheegay in uu si aada u soo dhaweynaayo sida oo kale uu taageerayaasha ka soo jeeda beesha bariga Berbera ee Habar-jeclo uu ugu hambalyeynaayo go’aanka geesinimada leh ee ay iskaga tuureen heeryadii Xisbiga KULMIYE, waxaana uu tilmaamay in Xisbiga WADDANI uu yahay xisbiga kaliya ee maanta dan u ah in uu hoggaamiyo qaranka Somaliland.

“Waxa aanu aad iyo aad ugu faraxsanahay, idin ku hambalyeynaynaa una qiimeynaynaa siddii aad noo soo dhaweyseen, dareenkiina fiican iyo xamaasadda idin ka muuqata ee aad ku qaabisheen Xisbiga iyo weli ba sida oo kale garashadiina togan ee aad ku doorateen Xisbigan oo aad u aragteen in uu maanta xal u yahay dalka, aad iyo aad baanu idiin ku hambalyeynaynaa idiina soo dhaweynaynaa. waxa aan idin lee nahay Xisbiga WADDANI waa sidaas aad u garateen eed ku doorateen isha Allahu na waa Xisbigii dalka badbaadinaayey ee dhisaayey, waa kii danta qaranku ay ku jirtay, anagu aanu hore ugu dooranay.”.Ayuu yidhi Xirsi Cali Xaaji Xasan.

Md.Xirsi Cali Xaaji Xasan oo sida oo kale hadalkiisa sii wata, ayaa waxa uu sheegay: “Waxa aynu u baahan nahay runtii in aan Xisbiyada lagu dooran qabyaalad iyo shakhsi jeclaysi, in aan lagu dooran hunguri iyo dhuuni raacnimo, in aan Xisbiga lagu dooran qabyaalad iyo dhuuni raactoona oo Xisbigu waa masiirkii umadda e’ waa in lagu doortaa muxuu dalka u qabanayaa, yaa hoggaaminaaya, ninka hoggaaminaya ama madaxweyne u sharaxani waa maxay aqoontiisu, khibraddiisu maxay tahay, waa maxay shakhsiyaddiisu oo in aynu kuwaas ku doorano ayaa sax ah, sidaas aad garateena waxa aynu wada dooranaynaa Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi(Cirro) oo ah guddoomiyaha Baarlamaanka sida oo kale Afartankii sanaddood ee u dambeeyey na dawlad u shaqeynaayey oo tijaabsan ayeynu dooranaynaa anagu na iskaga maanan uun soo boodin e waa nin aanu aqoon u lee nahay , waxa aanu lee nahay aynu wada doorano.”.

Murashaxa Madaxweyne ku xigeenka Xisbiga WADDANI Ambassador Maxamed Xaaji Cali Cabdi oo oo isna dhankiisa halkaas ka hadlay, ayaa ugu horreyn si aada u soo dhaweeyey cududa iyo taageerada beesha bariga Berbera, waxaana uu tilmaamay in isbedelku uu ku yimaado ku dhiirashada in la taageero Xisbiga loo hadanaayo in uu dalka isbedel ka abuuri karo, isaga oo ku amaanay in ay Xisbiga WADDANI u soo xusheen in uu yahay Xisbiga kaliya ee ka saari kara dhibbaatada shacabka haysata isla mar ahaantaana ay balan-qaadayaan in ay dalka ka sameeyaan isbedel khayr qaba oo dhab ah.

“Aad baanu ugu faraxsanahay sida fiican ee magaalada Berbera na looggu soo dhaweeyey, waan idiin ka mahad-naqeynaa. Magaalada Berbera horta aad bay u nasiib badan tahay , inkasta oo intii KULMIYE joogay ay aad u cabanaysay, cabasho badana ay lee yihiin oo ay inta badan muujiyaan, waxaana aan lee yahay Somaliland dimuqraadiyadda ka hanaqaaday meel dheer gaadhi mayso haddii dadka reer Somaliland ee degmooyinka iyo goballada ba jooga haddii aanay u dhiiranin sida aad idin kuba maanta u dhiirateen ee aad doorateen Xisbiga aad is lee dihiin waxa uu anfacayaa dalka, waxa aan qirayaa in aad sahan dheer tagteen in aanay dhib yarayn in aad KULMIYE ka timaadaan oo aad ka soo guurtaan oo aad u soo guurtaan Xisbiga WADDANI.”.Ayuu yidhi Murashaxa Madaxweyne ku xigeenka WADDANI

Murashaxa Madaxweynaha WADDANI Dr.Cabdiraxmaan M.Cabdillaahi (Cirro) oo isna ugu dambeyntii halkaas ka hadlay, ayaa sheegay in uu si farxadle Xisbiga WADDANI ugu soo dhaweynaayo cududa siyaasiyiinta, wax-garadka, haweenka, dhallinyarada iyo taageerayaasha baaxadda weyn ee ka soo jeeda beesha bariga Berbera, isaga oo carabka ku dhuftay in ay ka xisbi ahaan waxyaabo badan uga qorsheysan tahay wax ka qabashada baahiyaha aas aasiga ee ay ugu horreeyaan caafimaadka, waxbarashada iyo biyaha, waxaana uu tibaaxay in ay si gaara xooga u saarayaan deegaanada bariga Berbera oo uu sheegay in safaro ay ku tageen dhawaan uu meelaha qaar kala soo kulmay xaalado aad u adag.

“Marka hore waxa aan aad ugu mahad-naqayaa dadkii ka soo shaqeeyey qabsoomidda xafladdan anaga oo si gaara ugu mahadcelinayna maamulka gobalka Saaxil ee WADDANI oo laf dhabar u ahaa qabsoomidda xafladdan oo weftigayaga halkan marayaa ay hawlo badan u soo baajiyeen siddii ay uga qeyb-gali lahaayeen Xafladdan. Waxa aan ku qanacsanahay oon ku faraxsanahay in aad mudneydeen in aanu safarkaas soo galno oo aanu idin kala soo qeyb-galno xafladdan. Anigu waxa aan ka mid ahay dadka deegaanka gobalka Saaxil oo saaxil waa gobalkii la iga doortay, bariga Saaxil na waxa aan tegay berigii dhaweyd ee diiwaan-gelinta, waxaana ay indhahaygu soo arkeen waxa aanan hore u arag oo aanan u maqal, waxa aan soo ogaaday in dhulka Somaliland oodhan uu dhulka barigu yahay dhulka ugu horumarka yar oon Iskuulo lahayn, oon adeegyo caafimaad lahayn oon waxba lahayn oo aan dawladnimo lahayn sida ay noo sheegeen dadka qaar oo nagu yidhi dawladnimo waxa nooggu dambeysay berigii Ingiriiskii. haddii Alle qadaro, Xisbiga WADDANI waxa qorshahiisa ka mid ah in la isa soo gaadhsiiyo deegaanada Somaliland, deegaanadu way kala horumarsan yihiin oo isha Allah in deegaanada aanu horumarku u dhicin in horumarka loo badiyo oo horumar la gaadhsiiyo”.Ayuu yidhi Cabdiraxmaan M.Cabdillaahi (Cirro)

DAAWO, sawirada xafladdii soo dhaweynta ahayd ee loo sameeyey taageerayaasha ka soo jeeda beesha bariga Berbera
Image may contain: 1 personImage may contain: 1 personImage may contain: 8 people, people smiling, people standingImage may contain: 8 people, people standingImage may contain: 4 people, people standingImage may contain: 6 people, people standingImage may contain: 3 people, suitImage may contain: 1 personImage may contain: 1 personImage may contain: 1 personImage may contain: 1 person, standing and suitImage may contain: 3 people, people standingImage may contain: 1 personImage may contain: 1 personImage may contain: one or more people, people sitting, phone and outdoorImage may contain: 1 person, hatImage may contain: 1 personImage may contain: 1 personImage may contain: 1 personImage may contain: 1 person, on stage and textImage may contain: 1 personImage may contain: 1 personImage may contain: 6 people, people sittingImage may contain: 3 people, people standingImage may contain: 7 people, people standingImage may contain: one or more peopleImage may contain: 3 people, people standingImage may contain: 1 personImage may contain: 1 person, on stageImage may contain: 1 person, sunglassesImage may contain: 1 personImage may contain: 3 people, people standingImage may contain: 1 personImage may contain: 2 peopleImage may contain: one or more people and people sittingImage may contain: 6 peopleImage may contain: 1 person, outdoorImage may contain: 11 people, crowd and indoorImage may contain: 7 people, people smiling, hatImage may contain: 2 peopleImage may contain: 6 people, people sittingImage may contain: 2 people, hatImage may contain: 3 peopleImage may contain: 2 people, people standing and beardImage may contain: 11 people, crowdImage may contain: 7 people, people sitting and indoorImage may contain: 5 peopleImage may contain: one or more people, people sitting, crowd and indoorImage may contain: 8 people, people standingImage may contain: 8 people, people standingImage may contain: 1 person, outdoorImage may contain: 1 personImage may contain: one or more people and beardImage may contain: 5 people, people smiling, people standingImage may contain: 13 people, people standing and suit
Heegannews/Staff
Hargeysa DeskBerbera():-Xaflad si heer sare ah loo soo agaasimay oo Xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI uu ku soo dhaweynaayey siyaasiyiin, wax-garad, duqeyti, haween, dhallinyaro iyo taageerayaal aad u tira badan oo ka soo jeeda beelaha Habar-jeclo ee bariga magaalada Berbera, ayaa xalay ka qabsoontay hotel Maansoor ee magaalada Berbera.

Ceelgardinews/Staff
Berbera  Desk

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here