Boobka Xukumadda Ee Hantida Guud, Wareejiinta ILihii Dhaqaale, Iyo Xusuusaha Musuqa Ee Xukumadda Cimrigeedi Dhamaaday

0
301

Qaybtii 1”aad

6-Sano oo wax yar dhiman ayaa loo tirinayaa cimrigi xukumadda taladda
Xiligan haysa Kulmiye ee uu hogaamiyo Madaxweyne SIILAANYO, waxana uu
madaxweynuhu hogaanka iyo talada dalka qabtay 26-Juun 2010, tan iyo
xiligaas hogaaminta madaxweyne Siilaanyo waxay noqotay mid aan la mahadin,
waxana taariikhda u gashay xukumadii boobka musuq maasuqa iyo weliba
xaraashka hantida dadweynaha,.

Xukumadda madaxweyne SIILANYO oo xiligan ku joogta mudo kordhin waxay
noqotay mid ku astaysan hayb sooc iyo weliba xigtaysi kala qoqob bulsho iyo
Xulafaysi iskooxaysi aan hore uga jirin xukumadihii ka horeeyay,.
Marka laga yimaado in xukumadda Madaxweyne SIILAANYO Iibisay ilihii
dhaqaale ee dalka waxa iyana xusid mudan in la xaraasho hantidii guud iyo
dhulka danta guud, Guud ahanbana waxay xukumadu iibisay hantidii dawlada
Siiba dhulkii danta guud xisbiyada mucaaridka iyo xukumadaha dambe ee
yimadana walaac ayay ka muujinayaan in inyar oo kamid ah lagu soo gaadhi
doona, waxana meesha ka baxay haykalkii iyo nidaamki dawladnimo ee
Somaliland la hayd,

Dhinac kale curyaaminta xukumadda madaxweyne Siilaanyo kuma koobna dhaxal
wareejinta hantida qaran hase yeeshe waxa iyana ay door weyn ka qaadatay
adeegsiga warbaahinta qaarkood iyagoona samaystay haayado ka madax banaan
kuwa dawlada oo xambaara dana gaar ahaaneed oo ay leeyihiin ashqaas
dhaqaale buuran ku bixisa inay weeraraan hadba cida loogu talo galay
Duulaanka,

Xukumadda madaxweyne SIILAANO dhaqamada ku cusub hogaaminta Somaliland ee
ay soo kordhisay intay jirtay waxa ka mid ah in Ay xisbiyada mucaaridka
iyo weliba siyaasiyiinta madaxa banaan ee Iftiimiya dhaca iyo boobka lagu
hayo Dadka Shacabka ah loo adeegsado in sharaftooda lagu wiiqo weeraro lagu
qaado oo loo mariyo saxaafada madaxa banaan qaarkeed.

Lasoco, Faalo Ku Aadan wadciga Xiligan iyo Musuqa Xukumadda
Dr Nour Abdirahman
Nour12@hotmail.co.uk