Boqor-buurmadow:-Hayaay ka soo kacayda hore iyo Boodh Iska tumistiisa danbe waa laba aan is qaban! Faallo

0
296

Hargaysa (Ceelgardinews.com) boqor Cusmaan Maxamuud (Buur-madow),oo kamid ah Madaxdhaqameedka Madaxweynaha Somaliland Axmed-Siilaanyo ayaa, sida laga warqabo in uu mucaarid ku yahey Xisbiga Kulmiye muujin jirey mudo badan taas oo uu Shirkii Gar-adag mudo kadib mar kaliya cadeystey badheedhihiisa uu ku taageersan yahey Madaxweyne Siilaanyo iyo Xisbigiisa Kulmiye isagoo si indho la,aan ah ugu wacad furey Xukuumadii Madaxweyne Rayaale ee uu kaatariga weyn u ahaa dheef culusna lasoo wadaagay.

  • Haseyeeshee, markii Madaxweyne Siilaanyo iyo Xisbigiisa Kulmiye ku guuleysteen talada dalka waxa uu Boqor(Cismaan Buurmadow),warbaahinta mariyay isagoo Shacabka Somaliland tusaya sida uu uga saluugsan yahey Xukuumada Madaxweyne Siilaanyo islamarkaana,  wakhti aad u kooban la taxaabay balse sida laga wada dharegsan yahey waxa uu mar kaliya galka seefta ula baxe
  • sidii caadada u aheyd sida uu u bar bar taagan yahey Madaxweyne Siilaanyo iyo Xukuumadiisa taas, oo dad badan oo aan aqoon durugsan u laheyn ku noqotey fajiciso iyo amakaag laakiin waxa mar kaliya lagu baraarugey kadib markii uu jawaab badheedh ah siiyay Murashaxa Jagada Madaxweyne ee Xisbiga Ucid Jamaal Cali Xuseen oo ka Hadley Dilka abaanduulihii Guutada 17aad ee Ciidanka Qaranka oo fadhiisinkeedu yahey Qorilugud Marxuum Maxamed Yuusuf Aw Rabaax(Mize),xiligaas oo dhacdada dilkaas ay la anfariireen habka uu u dhacey iyo sida loo alifey maadaama gacan-kudhiiglihii dilkaa geystey oo Qori loo dhiibay isagoo xabisani uu toogasho ku dilay labadaas Sarkaal ee Marxuumiinta ah iyagoo Salaad tukanaya(Waagaas Oo Madaxweynaha Qoyskiisa iyo Badiba Masuuliyiinta Xukuumadu ku hawlanaayeen Arooskii mid kamid ah Qoyska Madaxweynaha)Boqor Buur-madow si hanjabaad iyo dheeldheel ah ayuu ugu jawaab celiyay Jamaal Cali Xuseen oo ka Hadley dhacdadaa Foosha Xun isagoo markaa Difaacaya Xukuumada Madaxweyne Siilaanyo ee arinkaasi ceebta iyo nusqaanta ku ahaa islamarkaana, difaacaya gacan-kudhiiglaha oo kasoo jeeday Beesha ay wada yihin isaga iyo Madaxweynuhu waxaanu ku tiiqtiiqsadey hadalo aanu u meel dayin,oo ay ka muuqdeen in uu dhibsadey cid kasta oo falkaa talaabo qaldan u aragtey ugana hadashey sidii waajibkeedu ahaa inkastoo uu maalmo kadib sidaa uma jeedin ku celiyey.
  • Dilkii Marxuum Cabdirisaaq Yuusuf Maxamuud(Taliyihii Qeybta Gobolka Saaxil),illaahey naxariistii jano haka waraabiyee,ayuu qacdii horeba uga Hadley sidii dhaqanka u aheyd hadaladiisii taajka qabiil  hagoognaa waxaanu Warbaahinta mariyey in shirqool lagu dilley Taliyaha oo ay u heshiiyeen Maamulka iyo Masuulyiinta Gobolka Saaxil haseyeeshee, maalmo kadib waxa uu hadana xiligan Warbaahinta lasoo fadhiistey gediisii dambabaska iyo dib u baraaruga aheyd isagoo hordhac uga dhigey raali galin xaqiiq ahaan marka si qoto dheer loo eego habdhaqankiisa wax ka muuqda sida ay isku xadayaan afkiisa iyo uurkiisu had iyo jeer taas oo cey iyo cawaaqib xumo ku ah inuu u badheedhayo caqliga Bulshada Caafimaadka qabta ee Reer Somaliland wallow aaney lamid ahyn kumanaan dadnimo iyo dunba kaga wanaagsan sida Boqor Maxamuud Cali Carab iyo rag kaloo badaniba.
  • Si kasta oo ay tahay waxa Boqor Cusmaan (Buur-madow) Taariikhda ugu jirta sidii dheel-dheelka aheyd ee uu uga Hadley sarkaalkii lagu Diley Qorilugud iyo sidii caadifada aheyd ee uu uga Hadley Taliyihii Saaxil wallow ay Xukuumadu lawadaageyso sida loo kala xusey saraakiisha la diley oo midna aaney dawladu cidna kala tashan aaskiisa iyo baadi goobka gacan ku dhiiglaha midna aan meydkiisa isku soo wada duub oo Talada Madaxweyne Siilaanyo iyo laba hadalka Boqor (Buur-madow),waxa ay umada Somaliland kaga lib heli doontaa Nabsi maalku Geediga Hayinkuu ku guuraa.
  • Xigasho
  • Hadhwanaagnews/Office
  • Hargaysa/Somaliland

 

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here