Xukuumada Somaliland ayaa waxa ay soo saaka si lama filaan ah u soo abaabushey banaaan bax salmi ah oo hada ka socda agaagarka madaxtooyada gaar ahaan wasaasarada ciyaaraha horteeda.
Banaan Baxan oo ay sameynayeen dhalinyaro u badan ciyaalo iskuul ayaa waxaa uu ahaa mid lagu tageeraayey go,aankii madaxweyne siilanyo uu ku kala qaadey labada doorasho isla markaana muddo kordhinta loo sameeyey golaha wakiilada Somaliland
Dadkan banaan baxa dhigaayey oo sida aanu kor ku soo xusney u badnaa dhalinyaro laga soo kala kaxeeyey iskuulada kala duwan ee caasimada ayaa waxaa ay sheegen in ay beesha calamka u sheegayaan in ay taageersan yahiin go,aanka madaxweynahooda isla markaana aaney ogaleen faro galin dibadeed