Buug Lagu Sawiray Muuse Biixi Oo Shaki Abuuray + Kulmiye Oo Ka Hadlay

0
363

Hargaisa(Ceelgardinews.com)Afhayeenka KULMIYE waxa uu ka hadlay buug la sheegay inuu yahay waxqabadka xukuumadda oo muddooyinkii u dambeeyey lagu faafinayey baraha bulshadu ku wada xidhiidho, waxaannu yidhi,

“Beryahan waxa baraha bulshada qaarkood lagu arkayey buug tilmaamayey waxqabadka xukuumadda oo galkiisa sare uu ku yaalo sawirka Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE Muuse Biixi Cabdi, buugga waxqabadka waxa soo saaristiisa iska leh xukuumadda, shaqo xisbigu ku leeyahayna ma jirto, waxaana hoggaamiye ka ah Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo adeegayaashiisa u qaabilsan fulinta hawlaha guud.” “Intaanu ka ognahay waa buug daabacaadiisa ay samaystay cid dano gaar ah ka lehi,” ayuu ayuu yidhi  Afhayeenka xisbiga KULMIYE Xasan Maxamed Cali (Gaafaadhi).

buuga shakigu kadhashay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here