Caadifadda ama seef-laboodnimaddu waxay umadaha ku keentaa dib u dhac iyo jaho- wareer,

0
418

“Caadifadda ama seef-laboodnimaddu waxay umadaha ku keentaa dib u dhac iyo jaho- wareer, waxaana xaqiiq ah in dadkeenu ku dhaqaaqaan arrimo aanay hubsan inta badan.

Sawirkan kuma dhex-jiraan waxa laga dhex baadh-baadhayo mana noqon karo sida ay aniga ii la muuqato mid fursad siyaasadeed mucaaridku ka dhex-raadin karaan, keliya waa sawir aan odhan karo waa mid aan wax dhibaato ahi ku jirin. Waa xujaaj dhamaantood waxayna ka siman yihiin hal ujeeddo oo keliya oo ah in ay illaahay dembi-dhaaf weydiistaan, siyaasad iyo sheeko kale-na meesha ma taalo.

Sawirkanina kama duwana sawirkii Madaxweynaha Qaranka Somaliland ay ugu yimaadeen maalmo sii horeysay Wasiiro ka socda Dawladda Djibouti, Sidaas oo kale ayay kuwanina (Soomaaliya) sawir in ay la galaan Madaxweynaha ugu yimaadeen. Waxaan sidoo kale hadal jaban u arkaa qoraalka Wasiir ku sheega Maaliyadda Dawladda Federaalka Soomaaliya uu bogiisa uu ku leeyahay Facebook-ga uu soo dhigay hadal u muuqan karaya “Munaafaqad” iyo in uu ka been sheegay ujeedka sawirka isaga oo waliba ku sugan bayt-kii barakaysnaa.

Waxaan yaqiinsanahay in madaxda Somaliland sida runta ah si daacad ah oo aan wax ujeeddo siyaasadeed ahi ku jirin ay uga yeeleen in ay la galaan sawirkan Wasiiradda Soomaaliya”.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here