Caafimaad xummada ay sabbabaan cuntooyinka aan la soo marin Shaybaadhka:- W/Q Rakad Mxd Sultan

0
346

Soomaalilaand waa waddan intii ay jirtayba cunto iyo cabitaanno aan la baadhin cunaysay iyo xannuuno cusub oo laga qaado. Tirada dadka soomaalilaand waxa lagu qiyaasay ku dhawaad 4 malyan oo qof, dhammaan dadkaasi waxay cunaan oo ay cabaan cunto iyo cabitaano aan la baadhin oo aan soo marin shaybaaadh la hubo.

Maalinkasta waxa aynu maal-galinaa dhismayaal ay ku baxayaan balaayiin Doolar iyadoo aynu ognahay dhaqaalaha ku baxa iyo isku dayashada ka dambaysa. Xannuunada cusub ee aynu aragno waxa sababa cunista iyo cabista aan la shaybaadhin ee maalinkasta laynoo soo dhoofiyo.

Dhammaan dadkeenna maanta la jiifa xannuunada, ama ay ku dhaceen xannuuno cusub oo Aynaan hore u arag waxa sabab u ah cuntooyinka iyo cabbitaanada aan tayadooda la hubin oo la joogteeyaya kuwaas oo aan dawladdeenu wax shaybaadha aanay saarin oo aynaan haysan “Labotary for foof Testing” Labotary labku waxa ku baxa lacag aan badneyn oo ka yar inta aynu maalinkasta wax ku dhisano taas oo ganacsatadeenna iyo dawladeennuba awood iyo dhaqaalaba ay u heli karaan.

Dhaqaalaheenna, aqoonteenna iyo dawladnimadeenna miyaa la waayay awood lagu sammeeyo “Laboratory Centre” shaybaadho u gaara cuntooyinka iyo cabitaanada dibada innooga yimaada? Caalamka waxa ugu qaalisan caafimaadka maantana ma hubno heerka uu marayo caafimaadkeennu waayo waxa aynu cunaa oo aynu cabnaa cuntooyin iyo cabitaanno aynaan damaanad ka haysan ama aan shaybaadh lagu sammayn.

Dad marka la doonayo in la curyaamiyo waxa laga maraa xaga caafimaadkooda waxaana lagu soo dal-dalaa cuntooyin lagu qoray dibada “Export Kaliya” inagu ma hubino oo waynu cunaa oo cabnaa! Hay’ada tayada qaranka ayaa ah haayad ka gaabisay oo ku fashilantay shaqadii qaranka ee tayada guud gaar ahaan cuntooyinka dibada ka yimaaada. Haddii la sammeeyo hay’ad ka shaqaysa Shaybaadhka baadhista cuntada iyo Alaabta kala duwan waxa kor u qaadmaya tayada caafimaad ee bulshada iyo kalsoonida lagu qabo ganacsadatada, waxaana yaraanaya xannuunada laga qaado cunnooyinka dibada ka yimaada ee dhacay ee dib loo baceeyo.

Kaliya marka la baadho waxa lagu dhajinayaa Calaamada hubinta tayada dadkeenna waxa lagu wacyi-galinayaa inay iibsadaan alaabta la hubiyay ee la shaybaadhay. Waxay abuurraysaa shaqo abuur iyo dhaqaale laga heli doono. Waxqabsi la’aanta ina haysa waxa ku tusaya xoolihii iyo shidaalkiiba shaybaadho ayaa loo sammeyay su’aasha meesha taallaa waxa weeye wixii dadku cunayeen ama cabayeen maxaa loo baadhi waayay?

Dadka iyo gaadiidka kee muhiimsan ileen waatan la sammeeyay shaybaadhkii shidaalkee! Haddii la hir-galiyo labka baadhista cunnooyinka iyo cabitaankaba ganacsato badanbaa fashilmi doonna ama diidi doonna haayada shaybaadhka cunooyinka. Aqoonteenna iyo dhaqaalaheennaba aynu isugu gayno sidii aynu u sammaysan lahayn (Laabka baadhista cuntooyinka) Laboratory Food Testing, taasi waxay kor u qaadaysaa caafimaadkeenna iyo maamul wanaageenaba waxaanay hoos u dhigaysaa xannuunada iyo in cidkastaa keento waxkasta.

 

Rakad Mxd Sultan

Dhiirri-gali dadkaaga Berbera.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here