Cabdiqaadir Fartaag Oo Qado Casumad u Sameeyey Mareeyaha Wakalada Biyaha Berbera

0
254

SHeekh (Ceelgardinews.com) Sharaf wayn ayay ii Ahayd in aan Maanta prof Axmed Aadan Ismail(Mareeyaha cusub ee Wakaalada Biyaha ee Berbera) qado sharaf ugu Sameeeyo Gurigayga ku yaal Magaalada Sheikh , isaga iyo Raxan ka mid ah haldoorka iyo aqoonyahanka dhalinyarada ah ee Magaalada Berbera iyo Shiikhba,

 

 

Waxaan si gaar ah ugu Mahad naqayaa Asxaabti qiimaha lahayd ee Berbera uga soo socdaalay soo dhawaynta Maareeye Ahmed, Sida Ganacsade   Dr Axmed Saleban Cajab, Musharax Cali jamac caraale , Ganacsade Mohamed Hassan carab, Khadar Muse , A/rashiid cali waraabe, Agaasime Cali Cisman Cabdilahi iyo Asxaab kale oo reer ceerigabo iyo sheekhba ahayd.

 
Pro Axmed waxaanu wadaagnaa dhalinyaranimada oo ah waa waajib I saaran inaan soo dhaweeyo dhalinta xilka loo magaacaabo, sidaynu dhamaanteenba u jecelnahay in la inoo soo dhaweeyo,
Waxa kale oo aanu Axmed wadaagna in aanu isku nahay Bahda Qalinlayde, amase Bahda Macalimiinta,
Axmed intaan ka aqaan waa aqoon yahan , leh fikir iyo Hal abuur togan, wax badana ku soo kordhin doona Wakaalada Biyaha ee Berbera Hadii eebe idmo.
Kama Naxo waan ku farxaa oo ku faana Marka Nin facayga ahi talaabo hore u qaado,

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here