CALI DHEGOOLE: MID KAMIDA WASIIRADA UGU CAD CAD XUKUUMADDA MADAXWEYNE SILANYO IYO SHAKHSIGA UGU MUHIIMSAN MEEL MARINTA OLALAHA MUUSE BIIXI EE GOBOlADA SAAXIL IYO TOGHEER

0
324

 CALI DHEGOOLE: MID KAMIDA WASIIRADA UGU CAD CAD XUKUUMADDA MADAXWEYNE SILANYO IYO SHAKHSIGA UGU MUHIIMSAN MEEL MARINTA OLALAHA MUUSE BIIXI EE GOBOlADA SAAXIL IYO TOGHEER

Cali Axmed Maxamed oo ku caan ah Cali Dheegoole wax mid kamida siyaasiyiinta Somaliland ugu cad cad wakhtigan, gaar ahaan xukuumadda xisbiga Kulmiye ee uu gadhwadeenka ka yahay madaxweyne Axmed Maxamuud Siilaanyo. Waxay aad isugu dhaw yihiiin oo u aaminsan madaxweyne Siilaanyo, sababtoo ah Cali waxa uu kamid ahaa raggii laso kifaaxay xisbiga Kulmiye muddadii dheereyd ee uu hoggaanka u ahaa Mdne Siilanyo, gaar ahaan mudadaii udhaxaysay 2003 oo xisbiga lagaga guulaystay doorashadii madaxnimda Somaliland ee sannadkaa dhacdey, ilaa 2010 oo xisbiga Kulmiye u guulaystey doorashadii madaxweyne nimadana.

8 sanno oo uu mdne Siilanyo hoggaaminayey xisbiga Kulmiye oo mucaarad ah waxay ahayd wakhti ku adkaa isaga iyo xisbigaba. Wakhti uu kala bartey mdne Siilanyoo raggii xisbiga kala mid ahaa oo qaarkood uyaaceen dhankii xisbiga UDUB oo isagu talada hayey, kuwa kalena siyaasaddaba ka nasteen. Mr Cali waxa uu kamid ahaa kooxdii lasoo kifaaxdey mdne Siilanyo iyo xisbiga Kulmiye ilaa kursiga ay ku hubsadeen mdne Siilaanyo. Sababtaas ayaa ah ta uu madaxweyne Siilaanyo ugu dhegenyahay uguna kalsoon yahay wasiir Cali.

 

Dhanka kale, xukuumadda hadda oo uu xilal kala duwan oo wasiir ku xigeen iyo kuwo ka hooseeyeyba ka soo qabtey ayaa aad looga dhex arkaa dhaqdhaqaaqiisa. Markasta waa nin ka karti badan inuu ku koobnaado shaqada uu markaa hayo, waxana loo aaneynayaa miisaankiisa uu xisbiga ku leeyahay iyo xidhiidhka dhaw ee uu la leeyahay madaxweyne Siilaanyo.

 

Gobolka Saaxil oo uu kasoo jeedo wasiir Cali, isla markaana ah gobolka ugu muhiimsan dhaqaalaha Somaliland, oo xukuumadda Kulmiye mashaariic waaweyn oo lagu horumarinayo dhaqaalaha dalka ka fulisay ayuu Cali ku guulasytey inuu si cad uga dhexmuuqdo.

 

Taaasi oo ay ufududaysay kalsoonida ay shacabka Berbera ku qabaan wasiir Cali iyo sidoo kale kartidiisa shakhsi iyo aftahanimadiisa. Mashruuca ugu weyn ayaa ah wareejinta dekedda oo laga kireeyey shirkadda DP world oo ballaadhin iyo casriyeen ku samayn doonta dekedda, arrinkaas oo bulshada reer Saaxil si khladan loo fahmsiiyey waxa uu wasiir Cali ku guuleystey inuu ka dhaadhciyo odayaasha iyo aqoonhanka gobolka faaidada ugu jirta. Iyagoo durba la dareemayo midha dhalka mashruucaas, taasi oo iyana kor usii qaaddey aaminaaddii reer Saaxil uhayeen wasiirka.

 

Ololaha xisbiga Kulmiye ee doorashada soo socota ayaa iyana guddoomiyaha xisbiga Kulmiye Md Muuse Biixi, waxa uu kalsooni la mida ta madaxweyne Siilanyo ku qabaa Mdne Cali Dhegoole, maadaama ay inabdan soo wada shaqeeyeen, isla markaana uu Muuse Biixi si fiican udhuganeyey doorka sida fiican umuuqda ee Cali Dhegoole ku lahaa guushii hore ee xisbga Kulmiye.

 

Wasiir Cali Dhegoole, waxa xusid mudan in aanu dhaqdhaqaaqiisa ololaha siyaasiga ahi ku koobneen gobolka Saaxil, balse wuxuu saameyn taa lamida ku leeyahay gobolka Togheer, waana sababta dad badani u aaminsanyihiin inuu Cali lafdhabar unoqon doono ololaha xisbiga ee labadaas gobol.

 

Inkastoo Cali Dhegoole uu yahay siyaasi da’ yar oo 40naadkii ku jira, haddana wuxuu leeyahay khibrad siyaasi ah oo aad ubadan, isagoo in kabadan 20sanno kusoo jirey arrimaha maamulka. Wuxuuna isagoo aad uyar noqdey maamulaha kastamka Berbera.

 

Inta badan siyaasiyiinta iyo masuuliyiinta ka tirsan xukuumadda Kulmiye ee kasoo jeeda gobolka Saaxil ayuu kaga horreeyaa xagga khibaradda iyo waayo aragnimada siyaasadda. Maadaama badan koodu yihiin rag ku cusub siyaasadda oo wax ka yar shan sanno ku jirey, halka isagu uu haysto khibrada ka badan 20sanno.

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here