Cali Guray Oo Naqdiyay Buugga Muranka Dhaliyay “Ninka Gabayga Xaalka Lagu Kala Qaatay Soo Qoray…”

0
329

Hargeysa ( Ceelgardinews.com ) –  Mujaahid Cali Maxamed Yuusuf (Cali Guray) ayaa naqdiyay Buugga uu qoray Wasiirka Warfaafinta Somaliland, kaas oo ay ka dhalatay cadho xooggani, ka dib markii uu ku soo daray tuducyo gabay wakhti hore la tiriyay oo lagu aflagaadeeyay hablaha mid ka mid ah beelaha Reer Somaliland.

Cali Guray oo qoraal kooban soo dhigay bogga uu ku leeyahay Facebookga oo ay Sagalnews soo xigatay ayaa u dhignaa sidan “Hablihii Ciidagalle way cabanayaan marka xagga dhaqankeena laga eegona Ilaahay hortii cabashadiodu waa gar. Laakiin cayda buuga lagu qoray kuma joogayso hablaha Ciidagalle eh intii cad ku leh oo dhan iyagana way gaadhaysaa oo Caligurey shan goor bay ku noqnoqonayaa ugu yaraan iyo inta shantaa hablood soo gasha ee cad ku leh.

Aniga hooyaday Ina Ibraahin Hiirad waxa dhashay ina Cumar Jaamac Suldaan Guuleed awawgeed Hiirdna waxa dhashay ina Ducaalle Suldaan Guuleed.

Aabahay waxa dhalay reer Buraale aabihiina, waxa dhalay reer Buraalle, awawgiina waxa dhalay reer Buraalle.

Shantaa iyo inta ka isiran iyo nin Ciidagalle uun abtirsiin ku noqday een shan hablood oo Ciidagalle ah oo two princesses ku jiraan ka isirayn keebaa  caayan marka hablaha Ciidogalle la caayo?

Kiiskan anigu waxan uga aamusay waxan ka idhaaba waan garan waayay dabeed ninka ay cawdeen ee buuga cayda ku qoray waxan u qaatay nin aan dhaqanka wax aqoon ah u lahayn.

Ninka ina Cabdalle Xasan buuga ka qorayay waxa hablaha Ciidagalle caydooda xaalalka hore lagu kala qaatay u geeyay uu u soo qaatay isaga oon waxna asturin ilayn Xaajada badh baa la hujiyaa huga la saaraaye ayaan cid garanaysaa jirin.


Sida aan maqlay buuga bari hore ayaa la qoray oo todoba sanadood gaadhaysa maanta markii uu wasiirka noqday ma khilaafkii xaga shaqaalaha iyo dagaalkii Wasaaradda Warfaafinta ayaa hablihii Ciidagalle la isu adeegsaday.

Sidaa doonto ha noqoto eh hablaha Ciidagalle ee maanta nool oo min konton halaad aha miyaan nalagu yeelanayn anagga oo weliba ugu badan inta caayan marka la caayo hablaha Ciidagalle?

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here