CALI GURAY OO QIRAY MIISAANKA SIYAASADEED EE XUBNAHA ISBEDEL DOONKA KULMIYE

0
286

Xuseen Axmed Caydiid waa lagu yaqaan inu yahay nin go’aan adag oon si dhib yar loo soo loodin karin mar hadii uu wax iska soo taago. Ilaa wakhtigii halganka waa markii ugu horeysay ee isaga iyo Saaxiibkii Axmed Silanyo ay kala baydhaan. Jabhadnimadii iyo mucaaridnimadii way ka soo wada dabaasheen waxay kala tegeen xili uu Axmed Silanyo Madaxwayne yahay kana tanaasulay musharaxnimadii oo aanu tartanka doorashada ku jirin.
cali-guray-2
Waxan is leeyahay hadii aanu tanaasuli lahayn odaygu ee isagu uu ordi lahaa doorashada Xuseen wuxu taagnaan lahaa garabkiisa lakiin wuxu ku raaci kari waayay Masharaxa Kulmiye ee Madaxwaynuhu taageeray ka hor intii aanu furmin Kalfadhigii Golaha Dhexe ee xisbigoodu. Taas oo Xuseen iyo tiro wasiiradii xukuumadda ka mid ahaa oo weliba ahaa kuwii ugu tunka waawaynaa ee xilalka ugu culculus hayay ay noqotay inay habeen keliya ka wada dareeraan Golihii Wasiirada ee Xukuumadda Madaxwayne Silanyo.
Dad badan ayaa ku dhaliila wasiiradii iska wada casilay xilalkii ay ka hayeen Xukuumadda Kulmiye iyaga oo hadana xisbigii ka tirsan balse ka talo goostay ama laga talo goostayba. Lakiin kolay iyaguna ma talo la’ ama wadar ahaan ha u tashadaan ama iyaga laftooduba ha sii kala talo noqdaan eh. Kolay inta badani waxay isha ku hayaan xaaladda is bedbedlka badan ee masraxa siyaasadda waxanay u badan tahay rag badan oo haldoorkii Xukuumadda iyo Xisbiga Kulmiye ka mid ahaa inay ku adag tahay inay mar kale Kulmiye dib ula heshiin karaan, balse sida aynu ka aragno ma degdegsana, waana ku sax in aanay ku degdegin hadiiba ay xaga mucaaridka naawilayeen waayo maaha in ay labada xisbi mid uun isku dhex tuuraan oo xisbiyada laftooda ayay xaaladooda guduhu xiligan tahay mid aan deganayn ama aan lagu kalsoonaan karin oo ka fiirsigeeda leh.

Si kastaba xaalku ha ahaado eh ugu dambaysta halkii ay maraan waxay u kordhin karaa miisaan aan la yaraysan karin waayo taageerada ay ku leeyihiin bulshada dhexdeeda, gaar ahaan inta saluugsan Xukuumadda ee mucaaridka ahi waa mid aan la dafiri karan. Waanay muuqan doontaa ugu dambaysta marka ay go’aan kama dambays ah qaataan.

Caligurey

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here