Carwaddii ganacsiga iyo wax-soo-saarka xoolaha ee Somaliland 2025 oo labadii maalmood ee u danbeeyey ka socday Hargeysa ayaa si rasmi ah loo soo xidhay maanta, iyada oo laga soo saarey war-murtiyeed 10 qodob ka kooban.
War-murtiyeedkan kasoo baxay Carwaddaas ayaa wasaaraddu waxay sheegtay in la fulin doono, iyada oo sidoo kale u mahadcelisay cid kaste oo kasoo qaybgashay Carwadan mudadii ay socotay. Carwadan ayaana ahayd markii koowaad ee Somaliland lagu qabto Carwo lagu soo bandhigayo wax-soo-saarka xoolaha Somaliland oo ay isku arkeen dhamaan dhinacyada kala duwan ee ka ganacsada xoolaha. War-murtiyeedka ayaana ahaa kuwan.
1- Waxa la isku raacay in carwada ganacsiga iyo wax-soo-saarka xoolaha Somaliland ay noqotay mid sanad leh ah
2- In la qabo baahi la iskugu xidho dadka ka ganacsada wax-soo-saarka xoolaha, hay’adaha dowladda iyo maalgashadayaasha
3- In la sameeyo golayaal iyo madalayaal wadatashi oo joogto ah oo lagaga wadahadlo wax-soo-saarka xoolaha madaam oo ay xooluhu yihiin laf-dhabarta dhaqaalaha JSL
4- Waxa la isku raacay dhaqangalinta siyaasadaha ay samaysay wasaaradda xanaanada xoolaha iyo horumarinta reer miyigu oo ay kamid yihiin siyaasadaha calafka xoolaha, caanaha, hilibka iyo karantiinka.
5-Waxa la isla qaatey in Jaamacadaha dalka iyo Wasaaraddu inay sameeyaan cilmi-baadhisyo kor u qaadaya wax-soo-saarka xoolaha
6- Waxa kasoo baxay carwada in la xoojiyo maalgashiyada farsamaysan iyo tiknoolojiyada casriga ah sida Caanaha Budo ah,
7- In la sameeyo barnaamijyo, tobabaro, cilmi-baadhis lagu eegayo wax-soo-saarka xoolaha Somaliland
8- In la horumariyo suuqgeynta iyo calaamadeynta xoolaha JSL haday noqoto Hilibka iyo wax soo-saarka kale ee xoolaha
9-Wasaaradda Xanaanada Xoolaha waxay ballanqaaday inay samayn doonto qayb la talin ah oo loo samayn doono qof kaste oo maalgashanaya xoolaha .
10-Waxa la isla qaatay in caafimaadka xooluhu muhiim u yahay in la helo suuqyo cusub oo loo sameeyo xoolaha Somaliland
















