Ciidamada Amaanka Somaliland Oo Tahli Kari Waayay Inay SHarciga Hor Kenaan Caqilkii Burco Uga Soo Hanjabay Mareeyaha Dekeda Berbera Oo Wakhtigan Berbera Ku Sugan +Sawiro

0
404

Berbera (CGN)_ Ciidamada Amaanka ee Magaalada Berbera ayaa ka Seexday inay Sugaan Amniga iyo Xasiloonida, kadib markii ay ku guuldareysteen inay qabtaan oo ay sharciga horgeeyaan ninka magaciisa la yidhaahdo Siciid Maxamud Xandule Oo Maalintii shaley Fariin Hanjabaad ah Mareeyaha Dekadda Berbera Cali Xoor-xoor uga Soo Direy Magaalada Burco,islamarkaasina maanta si Qarsoodi ah ku soo galey Magaalada Berbera, iyadoo fariintaasi  ahayd mid Dil ah Oo uu kula kacey Mareeyaha Dekada Berbera Eng.Cali xoor-xoor, Isagoo ku Edeeyey inuu u hayso Qalabkii Dableyda Hubeysani ay ku Waxyeelaysay Dekadda ceelgardi.

Waxaanay Hanjabaadani uu Warbaahinta soo Mariyey Ninkani lagu Magacaabo Siciid Maxamud Xandule Dareen Cadho leh ka qaaday Dhamaan Shacabka Reer Berbera ee la socday Xaalada Degaanka Ceelgardi,iyo sida uu Mareeyaha Dekadda Berbera uga Madaxbanaan.

Ninkan oo Sawirka laga Qaaday isagoo ka degay Gaadhi ay Leedahay Wasaarada Hawlaha Guud Oo burco ka soo galey, Ayaan Ciidamada Amaanku Somaliland aaney weli Waxba talaabo ah ka qaadin,Dambiga uu galey Masuulkan qaran xilka u haya ,waxaaney keeni kartaa Arrintaasi  haddii aan wax laga qaban Kacdoon shacbi,iyo isku dhac.

 

caaqilki burc

 

caaqil

baabuurka

 

Halkan ka Daawo Hanjabaadii Ninkani uu kula Kacey Mareeyaha Dekadda Berbera

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here