CIIDAMADA KA HORTAGA FALALKA ARGAGIXISADA EE RRU-DA OO HAWEENAY KA QAFAASHAY XALAY SAQDII DHEXE BERBERA OO ILAA HADA LAYAHAY

0
275

Berbera (Ceelgardinews.com) Ciidamada la dagaalanka Argagaxisada (RRU)ayaa habeenkii xalay goor saqdii dhexe ah Guriga ay ka degan tahay Magaalada Berbera Marwo Saado Jaamac u Daatay,islamarkaasi ka soo Qafaashey iyadoo aan la garaneynin halka ay Geyeen iyo goobta ay ilaa hada ku sugantahay Marwadaas oo aheyd dhalay caruur naaska nuujinaysay oo caruurteedina Berbera Hada Ku daayacan yihiin.

saado-300x178

Marwo Saado Jaamac oo ah Gudoomiyaha Ururka NOW ee Gobolka Saaxil ayaa Falkan lagu kacey uu yahay mid ka baxsan Anshaxa iyo Xeerarka Dalka, madaamo ay Saado Jaamac tahay Qof Masuul ah oo aan Dambi qaranka aan galin, iyadoo Marwadu aheyd mid Markasta ka shaqeysa Taakuleynta Dadka Baahan ee jilicsan.

Ilaa hadda ma cada Sababta Xabsiga loogu Taxaabey, balse Marwo Saado Jaamac Waxa Xadhigeeda la la xidhiidhinayaa inay Marwada Madaxweyne Silaanyo Aamino waris ay ku kale Aragti duwanadeen Siyaasada,islamarkaasina Saado Jaamac ay u Digo Roganeysay Xisbiga Mucaaridka ah ee Wadani kuna biiraysay, kaasi oo qaban qaabinayey Xaflada ay ugu Soo digo Rogan laheyd,iyadoo dhinaca kalena Marwo Saado la sheegay in lagu soo Colaadsadey Rogii Casaa ee Xisbiga Wadani loo dhigey Degmada Sheekh,oo ay kamid aheyd Tageerayaashii isku soo du Wadani loogu sameeyey Degmada Sheekh.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here