Ciidanka Dabdemiska Burco oo Ilmo yar ka soo samata-bixiyay Musqul isagoo Nool.

0
88
Ciidanka Dabdemiska Burco oo Ilmo yar ka soo samata-bixiyay Musqul isagoo Nool.
Burco : Ciidanka Dab-demiska magaalada Burco ayaa habeenimadii xalay soo badbaadiyay Ilmo yar oo lagu riday Musqul Degmada Maxamed Cali.
Ilaahay mahadii Naftood hurayaasha Ciidanka Dabdemiska ayaa ku guuleystay inay ilmahaa yar ka soo samata-bixiyaan Suuliga isagoo nool, waxaana ciidanku isla markiiba gaadhsiiyeen cisbitaalka magaalada Burco.
Marar badan ayaa Dhacdooyin noocan oo kale ah ciidanku caruur kaga soo badbaadiyeen Musqulo lagu riday ama ku dhacay.
Ciidanka Dabdemisku wuxuu bulshada ku wacyigelinayaa dadka falalka noocan ee arxandaradaa ka waantoobaan, tallaabo sharciga waafaqsana la marin doono.
Hadii aad la kulanto masiibo dab waxaad soo wacdaa lambarka gurmadka degdega ah ee 990 24 ka saacadood shirkadaha Telesom iyo Somtel.
Allaa Mahad leh