Culimadda Wanaag Farista Oo Sheegay In 150 Ruux Oo Rag Iyo Dumar Dooxa Caasimadda Arimo Dhaqan Xumo Leh Ku Wadda Nool Oo ay Badhkood Gacanta Ku Dhigeen

0
246

Waar Siday Isku Qabaneysa Roob Doonta Aynu Akhriyeyno Iyo Dooxan Hargeysa Ee Afartanka Talaabo Inoo Jira Oo Hadhka Cad Lasyku Fuulaayo Oo Ay Sinaddii Ka Dhacayso” Guddida Wanaag Farista Iyo Xumaan Reebista

Guddida Wanaag Farista Iyo Xumaan Reebista ee Somaliland oo Xaruntoodu Tahay Magaalo Madaxda Hargeysa, ayaa ka dhawaajiyey arin naxdin badan taasi oo ay Caasimadda ku arkeen 150 Qof oo Darbijiif rag iyo Dumar iskugu jira isla markaana Xabagta iyo Sinadda Hadhka Cad ku sameeya Dooxa Weyn ee Badhtamaha magaaladda Mara, waxaanay sheegeen inay ku dhawaad tiro ka mid ah iyaga oo gacan ka helaaya Ciiddanka Bileyska ay gacanta ku dhigeen oo qaqabteen isla markaana goob dhaqan Celin ah oo qalabeyn u baahan ay geeyeen qaybtii ugu horeysay ee ay dadkaasi ka soo qaqabteen.

 

Guddoomiye Xigeenka Guddida Wanaag Furista iyo Xumaan Reebista  Somaliland Sheekh Cawil Xuseen Cali, ayaa Shalay Salaaddii Duhur markii laga baxay, iyada oo Wariye Wargeyska Saxansaxo ka mid ahi uu  Masjid Cali Mataan ku sugnaa, waxa uu kaga Quqdbadeeyey halkaasi arin bulshadda intii maqashay wada taabatay, taasi oo ah in guddida Wanaag Faristu ay 150 Qof Darbi Jiif Rag iyo Dumar ah Dooxa Hargeysa ku arkeen iyaga oo Xabag iyo dhaqan Xumo kale halka ku haya, isla markaana iyaga oo kaashaneysa Ciiddanka Bileyska ay  qaar badan oo ka mid ah dadkaasi ay qabqabteen, kuwaasi  oo iskugu jira Hablo iyo Wiilal da yar ah oo Xabag kuwada nuugaaya Dooxa dhexdiisa isla markaana Hadhka Cadsameynaaya Sinno iyo Fawaaxish laga naxo, wuxu sheekhu xusay inay ku jiraan Caruur Dereyskii Balcadda ee Isguuladda ay ku tegayeen wata oo Wiilal iyo Gabdhaba iskugu jira, isla markaana ay qaldeen kuwo Hoy ka dhigtay Dooxa iyo Darbiyadda oo nolol xun ku wada nool, waxaanu baaq u diray ganacsatadda iyo dadka ALLE wax  siiyey inay goobta Dhaqangelinta ee dadaka la geeyey oo Gogol iyo wax la huwado la heyn ay ku soo caawiyaan.

Sheekh Cawil Xuseen Cali  oo arintan Xanuunka badan ka hadlaayey waxa uu yidhi “Waxaanu dhawaan shir ka wada yeelanay Wasaaradda Shaqadda iyo Arimaha Bulshadda ee Somaliland in  dadka Fasahaad mushtamaceenii  inagu soo kordhiyey (Dad Rag iyo Dumarba Leh oo Darbijiif Dooxyadda ku nool) arintooda wax laga qabto, waa na laga aqbalay sida darteed lodkii u horeysay ama kooxdii u horeysay ayaa la qabtay oo anaga oo Bileyska adeegsaneyna ayaa Ciiddanka Bileyska na loo amray inay na la shaqeeyaana, waanu hawlgalay waxaanu gacanta ku dhignay 21 ka mid ah dadkaasi oo ilaa 7 kalena adigu markii dambe iyaga isa soo dhiibay oo dadkaasi waa badan yihiin waxaanan genay meel dhaqan Celin ah oo sameysneyd markii hore, waxa ku jira dadkan walaalayaal Caruur yar yar oo Iskuulkii loo soo diray oo Direyskoodi Iskuuladda wata oo Xabagta la cabaaya kuwii Dooxa joogay oo imika waxaaba aad u bilaabantay inay Dibaajirta ku biiraan Caruurtiis Isguulku iyo Hablihii yar yara oo gaar ahaan Hablihii magaalooyinka kale ka yimid oo ay duufsanayaan kuwa xumaaday oo ay ku wacyigelinayaan meel iyo wax wanaagsan ayaanu haynaa ee nagu soo biir”

Guddoomiye xigenka Wanaag Farista iyo Xumaan Reebista Sheekh Cawil Xuseen Cali  oo ka hadlaayey baaxada ay dhibaatadda ay dadkani iyo nolosha ay ku nool yihiin leedahay waxa uu yidhi “Waxay noqotay meeshi Jimciyad iyo Mashruuc dhan oo meesha ka socto, walaalayaal markay sida tahay waxaanu balanqaad ka haynaa Xukuumadda inay qab qabato oo na la qabato 10 Askari oo Bileys ah ayaa na loo qoray oo na la hawlgelaaya oo aanu ku qabqabaneyno dadkaasi , waxaynu rabnaa in aynu magaaladda ka nadiifino Dooxyadda iyo Darbiyadda si aan wax Xabag iyo Mukhaadiraad ah toona cid ku cabeysa loogu arag, taas ayaanu isla go’aansay, waxa waayadan dambe aanu idiin sheegaynaa oo arinta sii fududeeyey Hadka Cad iyada oo la arkaayo oo markhaatiyaashoodi fadhiyaan ayaa waxay dadkani isku fuuleen barta Dooxa, markii la yidhi waar ka daayana ku maba joojinayaan , arinta sinada cad ee hadhka cad lays fuulay culimaddeenina way fadhidaaye waxa ka imanaaya waa la garanayaa oo in badana waa nay loo sheegay oo nay loog digay, waxaynu inaguna maalin walba u ooyeynaa oo leenahay Roob doon ha la qabto si aynu ALLE Naxariis uga helo, waar siday isku qabaneysa Roob Doonta aynu Akhriyeyno iyo dooxan Hargeysa ee Afartanka talaabo inoo Jira Oo Hadhka Cad Lasyku Fuulaayo Oo Ay sinaddii ka dhacayso,bal sida ay iskugu keen qabaneyso aan is waydiino , waar dadkan Dooxyadii qaribay ee haday doonaana ay ehelkoodi ka warhayaan ee hadana la leeyahay aynu ALLE Roob doon ka barino waar siday arintaasi iskugu keen qabaneysaa waa arin aad u adag weeyaan waar socon meyso Illaahayoow Sinaddiina waanu arkayn oo waxba kama qabaneyno waanu ku baryeynaa maxay noqoneysa arintaasi walaalayaal”

Sheekh Cawil Xuseen Cali  oo hadalkiisa sii wata waxa uu ka hadlay tiradda dadkan Dooxyadda ku nool goobta dhaqan celinta ay geeyeen iyo Baahida huga ee haysa waxa uu yidhi “Hadaba markaanu meeshii geynay dadkii Meesha dhaqan Celinta ahi gogol ma leh oo 150-kii Qof way qaadeysa, laakiin meeshii wax gogol ah oo yaala ma jiraan dawladdiina waxay tidhi anagu Cuntadda Qalalan ayaanu dadkii Kafeynaynaa qolo u Karisana way geeyeen 5 Askarina waa la geeyey, laakiin Gogol ma leh oo Furshaan ma leh oo Goyaal ma leh oo Barkimooyin ma leh oo wax kale ma leh oo Sibidh banaan weeyaan , intaana waxaanu uga jeednay waar dadka Meesha Xabsi in aan ku xidhno umaanaan geyne u jeedadu waxay aheyd in aan dhaqan celino oo meesha Culimo aanu ugu geyno oo dadka dhaqankoodii dib loo soo celiyo waar dadku waa wada dadkeeni kuligood 6 Qof mooyaane inta kale kuligood waa wada reer Somaliland haa waa sida 150 qof ee Dooxa waxaasi ku sameynaaya dhaqan xumadda iyo Xabagta ku cabaaya 6 ka mid ah ayuumbaan Somaliland u dhalan inta kale kuligood waa dadkeeni iyo caruurteeni sidaasi ayaanu ku ogaanay markaanu tiro koobney inta kale oo dhami dhamaan dhulka iyo goboladda Somaliland ay ka kala yimaadeen, waxaanu walaalayaal meeshi ku soo aragnay markii aanu goobtaasi geynay dad waxay ku seexdaan iyo waxay huwadaan toona laheyn , markaanu xaaladaasi xogolaal u soo noqonay ayaanu maanta halkan si aanu umaddeena u la socodsiino ayaanu u soo istaagnay ”

Masuulkan Wanaag Farista ka tirsan oo hadalkiisa sii wata wuxu inta ku daray “Waxaynu dooneynaa Sinadda iyo Fusuqa in aynu iska qabano oo si Illaahay nimcaddiisa inoogu shubo in layska fogeeyo oo laga daayo meeshii , si aynu umaddan noloshii bulshadda ee ay ka midka ahaayeen intii aanay noloshan xun ee Dooxa, Xabagta iyo Sinnada leh ku biirin aynu dib ugu soo celino oo Diinta la baro oo Quraanka la baro oo Macalimiin aynu u sameyno, anaga oo ilaa Saddex Macalin helay oo tabaruc ah oo leh anagu Quraanka ayaanu u dhigaynaa wax kasta ha na la siiye, walaalayaal dadkan masuuliyad ayaa inaga saaran si aynu si buuxda ugu sameyno dhaqan gelin hirgasha si ay dad u noqdaan iyaguna oo nolosha bulshadda ugu soo noqdaan, hadii aynu sida diidno walaahi intan tiradoodu way ka sii badan oo Fuququna wuu inagu faafi oo ina baabi’in oo horumarka, Caasimadda, Dherega iyo waxa aynu haysano waa nay laga qaadi, shay ayeynu garaneyna wixii inagu dhacay walaalayaal dadka waa weyn ayaan la hadlayaa hada oo wixii inagu dhacay Tiyaatarka Hargeysa ayey ka dhaceen oo markii nayla yidhi keena Hablihiina ugu quruxda badan Tiyaatarka ee aynu geynay ee halka lagu daaligay waatii aynu kabaha ka qaadanay, maantana mid ka daran ayaa dhacday oo waata banaanka cad laysku fuulay , sida darteed hadii aynaan wax ka qaban wax ka daran ayaa iman, marka waxaan dawladda ka codsaneynaa walaalayaal inay meesha Dooxana 5 Askari u sameyso oo ka ilaalisa waxan Fool Xumadda iyo Sinadda, Xabagta iyo fool xumadda la gelaaya oo kuwana la dhaqan celiyo lana tarbiyeeyo dad Islaam ah oo wanaagsana laga dhigo , arinta hadaba yaa ka masuul ah dawladdu iyadu waxay tidhi anagu Raashinkii loogu karinlahaa goobta dhaqan gelinta waanu hayna oo Askartiina waanu hayna in kasta oo ay meeshu gaaban tahay oo xalayba laba ka soo dhaceen oo Taar lagu xidho, marka anagu dhaqaale ma heyno ee waxaanu umaddeena ganacsato iyo mid wax haystaba bacadlaha la galo oo Furashaan, Goyaal, Raashin , Barkimooyin iyo qof walba wixii uu heli karo uu uu keeno khayr ALLE haydin siiye”