Hargaysa (Ceelgardinews.com) – Fadhigii saaka ee golaha wakiilada Somaliland ay yeeshen ayaa waxaa uu ahaa mid uu ka jiray buuq iyo sawxan ay xildhibaanadu sameyeen kuwaas oo ay xildhibaanadu ka biyo diidanaayen hab dhaqan ay masuulyiinta wasaarada duulistu ay sheegen in ay kuladhaqameen
Xildhibaanada oo golaha dhexdiisa kula hadlaayey gudoomiye ku xigenka golahaasi Baashe Maxamed Faraax oo isagu shir gudoominaayey Fadhigii saaka ayaa waxa ay hortiisa ka sheegen isla markaana ay ku hanjabeen in ay xasanada kala noqon doonan Masuulyinta wasaarada Duulista
Sidoo kale xidhibaanada ayaa waxaa ay sheegen hadii masuulyiinta xukuumada dhexe ay ula dhaqami waayan sida uu sharcigu dhigaayo in ay xilka iska tagi doonan waxaana ay kala ahayeen xildhibaanadii fadhga ka hadley Xildhibaan Balaaki , Xildhibaan Shabeel , Xildhibaan Saleeban Koore iyo xildhibaano Kale