Daawo: GOLAHA WAKIILADA SOMALIALND OO KU HANJABEY IN AY XASANADA KALA NOQON DOONAN MASUULYIINTA WASAARADA DUULISTA

0
241

Hargaysa (Ceelgardinews.com)  Fadhigii saaka ee golaha wakiilada Somaliland ay yeeshen ayaa waxaa uu ahaa mid uu ka jiray buuq iyo sawxan ay xildhibaanadu sameyeen kuwaas oo ay xildhibaanadu ka biyo diidanaayen  hab dhaqan ay masuulyiinta wasaarada duulistu ay sheegen in ay kuladhaqameen

Xildhibaanada oo golaha dhexdiisa kula hadlaayey gudoomiye ku xigenka golahaasi Baashe Maxamed Faraax oo isagu shir gudoominaayey Fadhigii saaka  ayaa waxa ay hortiisa ka sheegen isla markaana ay ku hanjabeen in ay xasanada kala noqon doonan Masuulyinta wasaarada Duulista

Sidoo kale xidhibaanada ayaa waxaa ay sheegen hadii masuulyiinta xukuumada dhexe ay ula  dhaqami waayan  sida uu sharcigu dhigaayo in ay xilka iska tagi doonan  waxaana ay kala ahayeen xildhibaanadii fadhga ka hadley  Xildhibaan Balaaki , Xildhibaan Shabeel , Xildhibaan Saleeban Koore iyo xildhibaano Kale

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here