Daawo: Guddomiyaha Xisbiga Kulmiye Muuse Cabdi Oo Bulshada Reer Berbera Hadalo Xanaf Iyo Cunfiyad Ku Jirto U Soo Jeediyay

0
282

Berbera (Ceelgardinews.com) Guddoomiyaha xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi, ayaa si ka baxsan anshaxa siyaasaddeed iyo dhaqanka suuban u cunsariyaddeeyey sida oo kalena u bahdilay shacabka reer Berbera ee ku nool xarunta gobalka Saaxil, waxaana uu ku tilmaamay in ay yihiin shacabka tuug oo had iyo jeer dadka soo booqda Berbera ee u soo dabbaal taga badda kaga xada kaba sida oo kalena kaga qaada taleefanada isaga oo sida oo kalena tibaaxay in shacabkaasi dadka martida u ah ay ku dhex dillaan badda oo magaalada Berbera laga soo celiyo basas dhan oo meydad ah.

Muuse Biixi Cabdi, ayaa hadalkan ka sheegay mar uu ka hadlaayey xaflad shalay loo qabtay arday qalin-jabinaysay, waxaana uu sida oo kale tilmaamay in budhcadnimadaas iyo tuuganimadaasi ay ka jirto magaalada Berbera aanay cid iman doonin magaalada Berbera isla mar ahaantaana cid ku negaan doonin.

“20-Bus, ayaa yimaada Berbera oo Burco, Hargeysa iyo illaa Wajaale idiin ka yimaada, dee haddii Bas walba meyd baddu liqday la soo saaro, dee yaa imanaaya Berbera sow la odhan maayo col baa jooga. Oo haddii qofku marka uu yimaado aad kabaha ka qaadaan(Xadaan), moobilkana ka qaadaan(dhacdaan) isagana ceejisaan(dishaan) Berbera yaa imanaaya sow laga yaaci maayo.”.Ayuu yidhi Muuse Biixi