Daawo : ilhaan Cumar Oo Maraykanka Ku Gashay Qaxoontinimo Maanta Ka Mid Notay Aqalka Hoose ee Congress-ka Maraykanka

0
336

Ilhan Cumar, Hodan Xasan, iyo Maxamuud Nuur ayaa ku guuleystay doorashooyinkii ay ka galeen gobolka Minnesota, iyada oo Ilhan Cumar ay ka mid noqon doonto Aqalka Hoose ee Congress-ka Maraykanka, halka Hodan Xasan iyo Maxamuud Nuur ay ka mid noqon doonaan Aqalka Hoose ee baarlamaanka gobolka Minnesota.

Dhinaca kale, Keith Ellison oo horay u ahaa xubin ka tirsan Aqalka Hoose ee Congress-ka Maraykanka ayaa u dhow inuu ku guuleysto xilka Xeer Ilaaliyaha Guud ee gobolka Minnesota oo uu u tartamayey.

Guud ahaan doorashada, labada xisbi ayaa kala qeybsaday labada aqal ee Congress-ka, iyada oo Dimoqraadigu uu qaatay Aqalka Hoose, Jamhuuriguna uu sii xajistay Aqalka Senate-ka.

 

 

 

https://www.voasomali.com/