Daawo : Markabkii Dhawaan Lagu Afduubtay Xeebaha Maamulka Puntland Oo Lasoo Bandhigay

0
270

Boosaaso ( Ceelgardinews.com ):- Dekadda Magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari ayaa maanta lagu

soo bandhigay Markabkii ay qafaasheen koox la sheegay in ay ahaayeen burcad badeeda Soomaalida balse markii dambe lagu guuleestay in laga sii daayo Markabkaasi.

Image may contain: one or more people

 

Markabka Arra-13 ayaa dhawaan lagu qafaashay xeebta Caluula ee Puntland, waxaana markabkaasi qabsaday koox sheegtay in ay kasoo horjeedaan sumeynta ay Maraakiibta shisheeye ka wadaan Badda Soomaaliya.

 

Madaxweyne ku xigeenka Maamulka Puntland C/Xakiin Cumar Cameey oo goob joog ka ahaa halka lagu soo bandhigay Marakabkan ayaa ku amaanay ciidamada Badda Puntlnad gacantii ay ka geesteen sidii Markabkaasi loo sii deyn lahaa.

Image may contain: people sitting, outdoor and water

Maamulka Puntland ayaa sheegay in ay xoog kusoo furteen Markabka la afduubtay halka Odayaasha degmada Caloola dhankooda sheegeen in waan waan ay sameeyeen lagu sii daayay markabkaasi ay qafaasheen dhalinyaro sheegtay in ay yihgiin Kaluumeesato.

Image may contain: sky, outdoor and water

Image may contain: outdoor