Daawo Muuqalka”Beeshii Madaxwayne Silaanyo Oo Ka Baxday Heshiiskii Dhawaan Laga Gaadhay Dhismaha Dekedii Ceel Gardir Oo Dib Loo U Bilaabeen

0
319

Berbera (Ceelgardinews.com)- Dhismaha Dekedii Macmalka aheyd ee Ceel Garde ayaa sirasmiya loo bilaabay iyada oo Xukumada Somaliland ka badheedhay dhismaha Dekedaas beesha Madaxweyne Siilanyo katana qeyb qaadanayso dhaqaale lasoo marinayo shaqsiyaadka hormoodka ka ah dhismaha Dekedaas sharcidarada ah ee qaabka qabiiliga ah ay beesha Madxweyne Siilanyo oo garabsanaysa awooda dawladeed ee Xukumada ay deegaan aanay lahayn deked sharcidaro ah uga dhisanayaan.

Sidoo kale waxa iyana la filayaa inuu buro heshiiskii dhawaan lagu gaadhay magaalada Berbera ee ay heshiiska ku gaadheen beelaha Gobolka Saaxil iyo bariga Burco heshiiskaas oo salka kuhayay in dhismaha dekedaas sharcidarada ah la joojiyo nabadna lawada qaato, waxse talo xumada ugu weyni tahay in xukumadii la rabay inay soo baabiso dekedaas sharcidarada ah ay si badheedha uga gaabsatay joojinta Dhismaha dekedaas sharcidarada ah.

Halkan Hoose Ka Daawo Muuqalka Warbixin ay shaqsiyaad kasoo jeeda beesha Madxweyne Siilanyo ee ku hawlan dhismaha Dekedaasi sibadheedha isaga soo duubeen una soo galiyeen barta Yutubeka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here