DAAWO MUUQALKA”DIWAAN GALINTII QAADASHADA KAADHKA COBIXINTA OO SAAKA GOBOLKA SAAXIL KA BILAABAY IYO GOOBO QALABKII KA XUMAADAY OO SHAQADU KATAAGTAHAY

0
281

Berbera (Ceelgardinews.com) Saaka Subaxnimada hore aaa looga dareera guud ahaan Gobolka Saaxil qaadashada kaadhka diwaan galinta codbixinta, waxaana ka qeyb qaadanayay qaadashada kaadhka diwaan Galinta codbixiyayaasha guud ahaan shacab weyynaha Gobolka saaxil inta sharcigu ujideeyay inay xaq uleeyihiin inay qaaaan kaadhka Diiwaan Galinta.

waxaa kaloo iyaguna Goob joog u ahaa sida ay hawsha diwaan Galintu usocoto Madaxda Sadexda Xisbi Qaran iyo goob joogayaal Caalamiya.

Hawsha Diwaan Galinta oo saaka si habacsanaana ubilaabantay ayaa waxa hakad gashay shaqada diwaan galinta ee qaadashada kaadhka goobo badan oo kamida goobaha layska diwaan galinaayay ee magaalada Berbera gudaheeda, waxaana hakad keenay shaqaalaha hawsha fulinaayay oo intooda badani ku shaqayn kariwaayay qalabkii oo garan waayay iyo qaar qalabkii ka ciladoobay oo ka istaagay sida sarveradii iyo computeradii oo shaqayn waayay, waxaana kamida ahaa goobaha shaqadu ay maanta ka taagnayd Goobta Dekeda Berbera ee loo yaqaan Tradingka, Goobta Wasaarada Beeraha Iyo Goobta xaafada Burca sheekh. goobahaas ayaanay ilaa 10kii subaxnimo ee saaka wax shaqo ahi ka soconin.sidoo kale waxa iyagana laga soo sheegaayay goobo kale oo debeda magaalada Berbera ah oop iyagana aanay saaka wax shaqo ahi ka soconin oo qalabkii ka xumaaday. gudida komishanka doorashooyinka ayaa ku macneeyay shaqadaas taagan iyo qalabka xumaaday cilad farsamo oo la hagaajin doono.