Daawo Sawir Baraha Bulshada Qabsaday Oo Laga Qaaday Muslimiinta Rohingya Ee La Dhibaataynayo.

0
444

Waxaa baraha bulshada saacadihii ugu dambeeyey si weyn u qabsaday sawir dad badan khiiro ku abuuray oo laga soo qaaday Qaxootiga qowmiyada muslimiinta Rohingya ee soo gaaray dalka Bangaladesh.

Sawirka ayaa muujinaya wiil dhalinyaro ah oo ka mid ah qaxootiga halkaas yimid kaasoo labadiisa waalid oo da’ ah ku soo qaatay dhabarka.

Ninkan ayaa labadiisa waalid ka soo qaatay magaalo ku taalla gobolka Rakhine ee dalka Myanmar ka dib markii ay halkaas soo weerareen ciidamada dowlada, isagoo dhabarka ku soo siday lana soo lugeeyey muddo todoba maalmood ah illaa uu ka soo talaabiyey xadka Bangaladesh.

Naxariista iyo baarinimada wiilkan uu sameeyey ayaa noqotay mid soo jiidatay indhaha malaayiin qof oo caalamka ku baahsan kuwaasoo si weyn isugu dirayay baraha bulshada

45

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here