Seattle (Ceelgardinews.com)Taageerayaasha Xisbi Siyaasadeedka Mucaaridka ah ee wadani ee Magaalada Ee Gobolka Seattle Ee Dalka Maraykanka Ayaa munaasibad Balaadhan oo soo dhaweyn ah waxa ay u sameeyey waftidii Balaadhnayd ee uu hogaaminaayey Gudoomiye Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro, Munaasibadaasi Ayaa ahayd mid ay Jaaliyada Reer Somaliland ee Ku Nool Magaaladaasi ay si weyn U Soo Qaabeeyeen.
Munaasibadani ayaa Waxa Layskaga Xog wareystay Intii ay Socotay Arimaha Siyaasadeed ee Dalka Ka Jira iyo sidoo kale Horumarinta Xisbi Siyaasadeedka Mucaaridka ah ee Wadani oo isu diyaarinaaya Doorashada Madaxtinimo Ee Dalka Ka Dhacaysa 2017.
Maalmihii Ugu Dambeeyey waxa dalka Maraykanka ku sugnaa Wafti miisaan Culus Leh oo uu Horkacaayo Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland Ahna Gudoomiyaha Xisbi Mucaaridka Waddani, Waxaana intii ay Waftidani Ku Sugnaayeen Dalkaasi Maraykanka ay Kulamo kala duwan La Qaateen Madax sare sare Oo Ka Tirsan Dalkaasi Maykanka, Waxaa sidoo kale Xusid mudan in masuuliyiintani Xisbiga Waddani Ay Soo dhaweyno Meeqaam sare Leh Kala Kulmeen Taageerayaasha Xisbiga Ee Dalkaasi Iyo Jaaliyada Somaliland Oo Isku Duuban.
Halkan Hoose Ka Daawo Sawirada.