Daawo : Wasiirka wasaarada Ganacsiga Somaliland oo heshiis la galey dhigiisa dalka Masar iyo qodobada lagu heshiiyey .

0
286

Berbera ( Ceelgardinew.com ) Wafdigii somaliland ayaa si  meqaam sare ah loogu soo dhaweeyay oo muujinaysaa rabitaanka Masar in ay iskaashi iyo wada shaqeyn balaadhan la yeelan lahayd Somaliland dhinac walba ahiyagoo wada saxeexdey hashiis dhowr qodob ka kooban sida :

  • in Dawladda Masar ay ka caawiso Shaqaalaha Dawaldda Somaliland dhinaca tababaro lasiiyo shaqaalaha.
  • in ilaalinta tayada Cunto ee Soogalaysa dalka somaliland lagu tababaro qaabka ay iskaga baadhi lahaayeen cunada iyo agabka ganacsi ee dalka soo gala iyado masar ay ku tababari doonto Lap Casri ah.
  • in wufuud forum ganacsi ay is weydaaran lahaayeen booqashooyin labada dhinac ah iyo in sidii dhinacyada carwooyinka lagu qaban lahaa Hargeisa iyo Qaahira.
  • Waxay Masar ka codsatay Wasiirka Ganacsiga Somaliland in xukuumada Maddexweyne Silaanyo uga hawl galsho sidii ay u heli lahaayeen dhul ay ka dhistaan goob lagu qabto Carwooyinka joogtada ah ee wax so saarka Masar.
  • Iyo Xafiisyo Safaaradeed oo Rasmiya ay labada dawladood is waydaarsadaan
    Heshiiska taariikhiga ah waxa uu muujinayaa sida xiisaha leh ee ay Dawaladda Masar u danaynayso xoojinta xidhidhka ay la leedahay Dalka Somaliland.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here