Daawo:-Weftigii SAMA-WADE ee WADDANI oo Gaadhay Magaalada Laascaanood+ Soo Dhaweyn Ballaadhan oo Looggu Sammeeyey Deegaanada Hoos Yimaada Gobolka Sool

0
340

Laascaanood(Ceelgardinews.com):-Weftigii ballaadhnaa ee SAMA-WADE Sool ee uu hoggaaminaayey guddoomiyaha golaha Wakiilada Somaliland ahna hoggaamiyaha xisbiga WADDANI Md.Cabdiraxmaan M.Cabdillaahi (Cirro), oo u jeedadiisu tahay wacyi-gelinta diiwaan-gelinta Codbixiyeyaasha Doorashooyinka iyo weliba u kuur-gelidda xaaladda nololeed ee deegaanaddaas, ayaa maanta si ballaadhan oon kala hadh lahayn ay u soo dhaweeyeen yar iyo weyn ba guud ahaan shacabka ku dhaqan magaalada Laascaanood iyo qaar ka mid ah deegaanada hoos yimaada ee gobalka Sool.

Weftigan guddoomiye Cirro oo ay ku wehelinaayey xoghayaha guud ee xisbigaasi, xubno ka mid ah hoggaanka, guddida fulinta, siyaasiyiin iyo wax-garad aad u miisaan culus oo ka soo jeeda deegaanada gobalka Sool, ayaa guud ahaan ay shacabkii isbedel doonka ahaa ee reer Laascaanood, Adhicadeeye, Yagoori, Guumeys iyo Sama-kaab ba ay si weyn u muujiyeen rabitaankooda isbedel oo ay ku muujinaayeen sida ay uga go’an tahay in ay taageeraan xisbiga WADDANI isla mar ahaantaana ay qeyb uga noqon lahaayeen dawlad dhisan oo la wada lee yahay, waxaana ay ku dadkaasi dareenkooda ku muujinaayeen erayo ay ku soo dhaweynaayeen xisbiga WADDANI

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here