dagaalka ee UK ayaa laba diyaaradood oo ku qumaatiga u kaca ah u dirtay

0
209

 

Lix ka mid ah diyaaradaha dagaalka ee Boqortooyada UK ayaa u duulay waddamada Finland iyo Sweden halkaasoo ay tababarro iskaashi ah ku sameyn doonaan, sida ay sheegtay Wasaaradda Difaaca ee Ingiriiska.

Wasiirka gaashaandhigga ee UK, Ben Wallace, ayaa shaaca ka qaaday arrintan, oo ku timid codsi ka yimid labada dowladood, isagoo hoosta ka xariiqay sida ay xukuumadd London ugu heellan tahay wadashaqeynta ku aaddan xoojinta difaaca.

Tababarka ayaa sidoo kale daba socday tallaabada ay Sweden iyo Finland ku codsadeen ku biiritaanka isbahaysiga Nato kaddib dagaalka uu Ruushka ku qaaday Ukraine.

Labo diyaaradood oo uu noocoodu yahay F-35 ayaa ka mid ah diyaaradaha carbiska wadajirka ah samaynaya.

Waxay samayn doonaan “tababar nooca dagaalka ah oo heerkii ugu sarreeyay ah”, waxaana wehlin doona afar diyaaradood oo kale oo ay leeyihiin ciidamada cirka ee boqortooyada, diyaaradda Finland ee F-18 iyo mid laga leeyahay Sweden, sida ay sheegeen saraakiisha waaxda difaaca ee UK.

Ujeeddada tababarkan waa in saddexda waddan ay xoojiyaan awooddooda dhinaca hawada iyo xirfadda ay u leeyihiin inay iska barbar dagaallamaan, sida ay wasaaradda gaashaandhigga kusii faahfaafisay.

Mr Wallace ayaa sheegay in Finland iyo Sweden ay yihiin “saaxiibbo muhiim u ah oo ay ka wada shaqeeyaan dhinaca difaaca” in ay ku biiraan Nato ayuuna ku tilmaamay “arrin xoojinaysa awoodda isbahaysiga maadaama ay hadda halis soo cusboonaatay ka jirto Yurub”.

“Diritaanka diyaaradahan waxay muujinaysaa sida ay nooga go’an tahay inaan sare u qaadno iskaashiga iyo inaan xaqiijinno in ciidankeennu ay isula shaqeeyaan si sahlan,” ayuu sii raaciyay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here