Dagaalka qiimaha saliiddu uma muuqdo mid cid gaari ku guuleysan doonto

0
372

Dagaalka qiimaha saliiddu uma muuqdo mid cid gaari ku guuleysan doonto

Berbera (Ceelgardinews.com) Sucuudiga iyo Ruushku waxay caan ku ahaayeen dagaalada ay sida dadbadan isu waydaarsadaan. Laakiin dagaalkooda saliidda ee dhawaan qarxay wuxuu noqdey mid si badheedha la isu weerarey iyadoo ay xaaladdu gaadhey meel ay faraha ka baxdey. Waxa uu is-faham waagu bilaabmey kadib markii Ruushku diidey inuu wax soo saarkiisa saliidda dhimo kulan ay wada yeesheen ururka wadamada saliida hodanka ku ah ee OPEC iyo Ruushku oo ka dhacay Vienna 6dii bishan 3aad.
Sucuudiga, oo ah hoggaamiyaha OPEC ayaa arrinkaas kaga jawaabey qiime dhimis uu usameeyey macaamiishiisa saliidda iyo sidoo kale ballan qaad inuu kor uqaadi doono waxsoo saarkiisa. Inyar kadib waxa Sucuudigu sheegey inuu ka dhigayo wax soo saarkiisa 12.3million foosto maalintii (b/d) horraanta bisha 4aad ee 2020ka, taas oo ah in kabadan 25% wax soo saarkoodii bishii hore- iyo heer wax soo saar oo aanu Sucuudigu weligii gaadhin.
Ruushku dhankiisa waxa uu ku hanjabey inuu kor uqaadi doono soosaarka saliidda, isagoo sheegey inuu ku dari doono ilaa 500,000 foosto maalintii (b/d) wax soo saarkiisii hore ee ahaa 11.2million foosto maalintii (b/d). qiimaha saliidda ayaa si degdeg ah dhulka ugaley 24%, iyadoo foostadii gaadhey $34 9kii bishan 3aad- waana qiime dhacii ugu waynaa ee saliidda ku yimaadda hal maalin muddo 30 sano ah.
Iyadoo arrimahaasi ay keeneen dawakh suuqyada saliidda caalamka ah, isla markaana uu werwer badani galey dadkii suuqyadaa ku xidhnaa, ayaa haddana Sucuudigu markale suuqa ruxey 11kii bishan, kadib markii uu amrey Aramco, shirkadda sucuudiga uqaabilsan soo saarka saliidda, iney kor uqaaddo soo saarka saliidda kuna darto 1million oo foosto maalintii. Ma cadda inuu Sucuudigu doonayo inuu awooddiisa muujiyo oo uu Ruushka ku qasbo inuu miiska dib ugu soo noqdo iyo inuu udiyaar garoobey dagaal qiimaha saliidda ah oo umuuqda mid ay cid waliba ku qasaari doonto

Cabdirisaaq Cabdilaahi

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here