Dawlada Hoose Berbera 0o Shaqo Maalmeedkii U Wadi Kari Wayday Lacago Dayn Ah Oo Ganacsada Magaaladu Ku Yeelatay Halkan Ka Akhri Xogtaasi

0
330
Hargaysa (Ceelgardinews.com) Ganacsatada iyo Dadweynaha kala duwan ee ku nool Gudaha Magaalada Berbera ayaa todobaadyadii u dambeeyay siweyn u hadalhayey lacago dayn ah oo fara badan oo Maamulka D/hoose iyo Duqa Magaalada Berbera isku gaadhay biilasha caadiga ah ee ay ka isticmaalaan Gudaha Magaalada Berbera taas,oo caqabad culus ku ah Wakhti xaadirkan culayska dhinaca Shacabka lacagtu ka maqan yahey iyo Maareynta Maamulka Degmada.
Inkastoo ay D/hoose ee Degmada Berbera kamid tahey,Degmooyinka ugu dakhliga badan dhinaca D/hoose ee Dalka hadana waxa ay wararka ka imanaya Magaalada Berbera tibaaxeen in indhawaale uu jirey hakad kuyimid bixinta deymaha D/hoose ee Degmada Berbera taas oo soo jiitantey tan iyo marka laga soo bilaabo bishii

Ramadaan oo Maamulku khusuusana Maayarku inta badan ku maqnaa Xajka islamarkaana, wakhtiyadii Dambe ku mashquulay arimhii Xiisada Dekedda sidaa daraadeedna ay suurtagal noqon weyday in ay Iska fududeeyaan kharashaadka ay ka amaahdeen dhinaca Ganacsatada iyo Dadweynaha ha ubadnaadeen Kaalmaha Shidaalka,Huteelada Waaweyn ee Hurdada Cuntada iyo kharashaadka kaga yimid Socdaalka Wufuuda Xukuumada oo Maareeyihii hore Eng. Cali Xoor-xoor mudooyinkii dambe hakiyey Kharashaadkooda iyo waliba hawl maalmeedka kale ee D/hoose.

Sikasta oo ay tahey wali waxa ay caqabada arintani culays badan ku haysaa Maayarka Degmada Berbera Cabdishakuur Maxamuud Cidin iyo Xogahayaha D/hoose Cabdikariin Aadan Siciid oo la dhakafaarsan sidii ay deyntaasi ukala guri lahaayeen halka ay Culays kale iyo saameyn badan ku yeelatey Ganacsiga Gudaha Magaalada iyo Ganacsatada deyntu ka maqan tahey labadaba,waxaana Geesta kale saameeyay D/hoose ee Degmada Berbera Cashuurihii uga soo xeroon jirey dhoofka xoolaha oo in badan ka yar kii awal hore iyo Sanadkii hore ee Xoolaha Carafadda.
 XIGASHO
Hadhwanaagnews Hargeysa Office