Dawlada Somaliland Ayaa Qabtay Koontiiner si qarsoodi ah looga saarayey Dekeda Berbera kaasi oo ay ku jiraan qalab ciidan

0
356

Dawlada Somaliland Ayaa Qabtay Koontiiner si qarsoodi ah looga saarayey Dekeda Berbera kaasi oo ay kujiraan qalab ciidan oo kala duwan sida dirayska ciidan , jaakadada rasaasta iyo sidoo kale buraashadaha biyaha lagu cabo .

Qalabkana ayaa kujiray koontiiner 40fit ah oo ka baxayey 2 bisha dekeda koontiinarada wajaale port balse ciidanka tolbataariyada ayaa ka shakiyey koontiinerkaasi oo si xoogan loo ilaalinayey horena loogu sheegay inuu kujiro dharka hudheedhka looyaqaano oo lagu soo dhexqariyey agabkani ciidan .

Ciidanka ayaa arintani u xidhay labo nin oo katirsan mukhalsiinta alaabta usaarta shirkada Indhadeero group oo ku hawlanayd saarista koontinerkan la qabtay .

Maamulaha guud ee shirkada Indhadeero Mustafe Cabdi Cawada oo aan La xidhiidhay ayaa sheegay inaanay lahayn qalabkan isla balse ay ka shaqaynayeen mukhalasiin waxa usoo saarta shirkadooda .

Mustafe waxaa uu sheegay inaanu ogayn koontiinerkaasi iyo wax kujira toona isla markaasin uu hawlo shaqo ujoogo dalka sucuudi arabiya .

Mareeyaha Dekedaha Somaliland Siciid Xasan Cabdilaahi waxaa uusheegay inay dawlada ahaan marba diyaar uyihiin ogaanshaha waxa kasoo dagaya Dekeda Berbera iyo waxa ka dhoofaya isla markaasina ay baadhayaa koontinerkaasi iyo cidii lahayd islamarkaana ay xidhan yihiin ragii lagu qabtay koontiinerkaasi .

Arintan ayaa kusoo beegmaysa khilaaf huursan oo ka dhex socda kastamka Berbera kadib markii agaasimaha guud ee wasaarada maaliyadu sameeyey kastam iyo maamul ka madaxbanaan maamulkii hore ee kastamka Berbera gaar ahaana maamulaha kastamka Berbera oo xilka kala wareegay agaasimaha Guud ee maaliyada Maxamed Gurxan .

Labadan kastam ayaa ku ficiltama shaqooyinka guud ee kastamka Berbera iyo sidoo kale ilaalinta amniga guud ee kastamka Berbera

Xigasho

Saxilnews .com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here